Xukuumadaha Turkiga iyo Georgia ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca waxbarashada, kaas oo waddada u xaaraya furitaanka xarumo waxbarasho, is-aqoonsiga shahaadooyinka, horumarinta barashada luqadaha, iyo is-dhaafsiga khibradaha.
Wasiirka Waxbarashada Turkiga, Yusuf Tekin, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Tbilisi, ayaa Jimcihii xarunta Wasaaradda Waxbarashada wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalkaas, Givi Mikanadze.
Labada wasiir ayaa kulan qaatay ku dhawaad saacad kaga wada-arrinsaday xiriirka laba-geesoodka ah iyo arrimaha tacliinta, kahor inta aysan si rasmi ah qalinka ugu duugin heshiiskan.
“Markasta oo annaga iyo deriskeennu xoogeysanno, iskaashigeennuna sii wanaagsanaado, waxaa gobolkeenna ku sii adkaanaya nabadda, xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyadda,” ayuu yiri Wasiir Tekin kaddib saxiixa heshiiska.
Dhankiisa, Mikanadze ayaa xusay in booqashada dhiggiisa Turkiga ay gacan ka geysan doonto sii-xoojinta cilaaqaadka labada waddan, isagoo xiriirka Ankara iyo Tbilisi ku sifeeyay mid ku qotoma “iskaashi aad u wanaagsan, mid istaraatiiji ah iyo saaxiibtinimo qoto dheer”.
Nuxurka Heshiiska
Sida uu dhigayo heshiiskani, Turkiga iyo Georgia ayaa si isu-dheellitiran oo ku dhisan mabda’a wax-is-dhaafsiga (reciprocal basis) xarumo waxbarasho uga furi doona labada waddan.
Sidoo kale, labada xukuumadood ayaa ka wada-shaqeyn doona is-aqoonsiga shahaadooyinka iyo dukumentiyada kale ee tacliinta, iyadoo dhanka kalena si weyn loo dhiirrigelinayo barashada afafka Turkiga iyo Joorjiyaanka (Georgian).
Waxaa intaas dheer in heshiiskani uu dhiirrigelinayo in la ballaariyo is-dhaafsiga xogta, aqoonta, iyo khibradaha la xiriira hannaanka waxbarashada ee labada dhinac.

























