Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax-ka-beddelka qaybta lixaad ee Sharciga Iibka Qaranka, isagoo sidoo kale akhrinta labaad marsiiyay hindise-sharciyeedka dambiyada kufsiga iyo anshax-xumada kale.
Wax-ka-beddelka Sharciga Iibka Qaranka waxaa oggolaaday 136 xildhibaan, lix ayaa diiday, halka laba kalena ay ka aamuseen.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka dooday qodobbada hindise-sharciyeedka dambiyada kufsiga iyo anshax-xumada kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dooddu sii socon doonto fadhiga xiga ka hor inta hindisuhu u gudbin marxaladaha kale ee sharci-dejinta.
Dhammaadka kulanka, Guddoomiyaha ayaa amray in mar kale la xaadiriyo xildhibaannada si loo diiwaangeliyo xubnaha fadhiga joogay ilaa dhammaadkiisa iyo kuwa baxay iyaga oo aan fasax haysan.




















