| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
RW Xamza oo Daahfuray Dib-u-soo-celinta Nidaamka IATA-BSP oo Soomaaliya ka Maqnaa 35 Sano
Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamza Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daahfuray dib-u-soo-celinta nidaamka biilasha iyo lacag-bixinta ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA-BSP), kaas oo Soomaaliya ay dib u heshay 35 sano kaddib.
RW Xamza oo Daahfuray Dib-u-soo-celinta Nidaamka IATA-BSP oo Soomaaliya ka Maqnaa 35 Sano
Ra'iisul Wasaare Xamza oo Daahfuray Dib-u-soo-celinta Nidaamka IATA-BSP oo Soomaaliya ka Maqnaa 35 Sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daahfuray dib-u-soo-celinta nidaamka biilasha iyo lacag-bixinta ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA-BSP), kaas oo Soomaaliya ay dib u heshay 35 sano kaddib.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-soo-celinta nidaamkan ay ku timid dadaallo muddo dheer socday, dib-u-habeyn lagu sameeyay hay’adaha, diyaarinta xeerar iyo siyaasado, iyo tababarka shaqaale awood u leh inay gutaan waajibaadka maamulka duulista hawada. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, deyn-cafinta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo la wareegidda amniga qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in isku-xirnaanta hay’adaha dowladda iyo dib-u-dhiska awoodaha qaranku ay laf-dhabar u yihiin soo kabashada Soomaaliya. Wuxuu xusay in dalku leeyahay fursado maalgashi oo waaweyn, oo ay ka mid yihiin gaadiidka, beeraha iyo qaybaha kala duwan ee wax-soo-saarka, maadaama Soomaaliya ay ku taallo goob istaraatiiji ah oo isku xirta dhammaan qaaradaha adduunka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa tallaabadan weyn ee aan maanta qaadnay. Waxaa naga go’an inaan sii horumarinno oo aan tayeynno hay’adaha qaranka. Waxaan ku kalsoonahay inaan gaari doonno heerka dunida horumartay ee aan 30-kii sano ee la soo dhaafay ka dib dhacnay. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay xaqiijiso in dalkeennu uu horumar weyn sameeyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyay dadaallada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa faray in la dardargeliyo horumarinta iyo tayeynta garoomada diyaaradaha, maamulka hawada dalka iyo adeegyada duulimaadyada, si kor loogu qaado tayada adeegyada ay helaan dadweynaha iyo shirkadaha diyaaradaha, loona xaqiijiyo isku-xirnaanta Soomaaliya iyo caalamka.

XIGASHO:SONNA