| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Heshiiska difaaca Makka oo farriin u diraya dunida Islaamka: Erdogan
“Turkigu wuxuu taageeradiisa xooggan la garab istaagay gobolka” si dunida Islaamka looga caawiyo inay ka gudubto caqabadaha haysta, ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Heshiiska difaaca Makka oo farriin u diraya dunida Islaamka: Erdogan
Erdogan ayaa carabka ku adkeeyay dadaallada Turkiga ee wax looga qabanayo caqabadaha horyaalla dunida Islaamka. / AA

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in heshiiska iskaashiga difaaca Makka ee bishii hore ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan uu yahay tallaabo farriin loogu dirayo dunida Islaamka.

Erdogan oo Isniintii kulan gaar ah kula hadlayay dhalinyaro ku sugan gobolka Samsun ee waqooyiga Turkiga ayaa sheegay inay jiraan “horumarro wanaagsan” oo ku saabsan heshiiska.

“Sacuudi Carabiya, Pakistan iyo Turkiga waxay qaadeen tallaabo. Tallaabadan, aan farriin ugu dirno dunida Islaamka. Waxaa jira horumarro wanaagsan,” ayuu yiri.

Erdogan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu wajahayo caqabadaha haysta dunida Islaamka.

“Turkigu wuxuu leeyahay waa inaan sida ugu dhaqsaha badan uga gudubnaa dhibaatooyinka haysta dunida Islaamka. Si looga gudbo caqabadahaas, Turkigu wuxuu taageeradiisa xooggan la garab istaagay gobolka,” ayuu yiri.

“Arrintan si fudud uma qaadan karno,” ayuu raaciyay.

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
Erdogan iyo Putin oo ka wada hadlay ammaanka Badda Madow iyo xiriirka Ruushka iyo Ukraine
Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagaya Turkiga
Safiirka Turkiga oo booqday Warsheekh, halkaas oo laga dhisayo xarunta hawada sare
Turkiga, Sacuudiga iyo Bakistaan oo dar-dargelinaya awooddooda difaaca wadajirka ah
Turkiga oo Soomaaliya ka bilaabay dhismaha xarun hawada sare laga diro gantaallada
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qaybgalaya shirka saddex-geesoodka Isbahaysiga Difaaca Maka
Turkiga iyo Faransiiska oo kala saxiixday qorshe cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga difaaca
Turkiga iyo Georgia oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca waxbarashada ah
Trump oo muujiyay inuu taageersan yahay in Turkiga laga qaado cunaqabateynta CAATSA
Soomaaliya: Safiirka cusub ee Turkiga oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh
Erdogan oo bogaadiyay midnimada Turkiga iyo Falastiin kadib ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Konya
Emine Erdogan oo hormuud u ah baaq caalami ah oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internetka
Turkigu wuu sii wadi doonaa u doodidda iyo taageerada Falastiiniyiinta: Erdogan
Turkiga oo sii wada dadaallada lagu dhisayo ‘nidaam caalami ah oo caddaalad ah’: Wasiir Fidan
Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil
Fidan oo Guddoomiyay Kulanka Isku-duwidda Wasiirrada Arrimaha Dibadda OIC ee New York
Wasiirrada heshiiska difaaca Makka oo ka wadahadlay shir degdeg ah oo lagu taageerayo Sacuudiga
Turkiga oo cambaareeyay hadallada wasiirka Difaaca Israa’iil ee ka dhanka ah Erdogan
Madaxweyne Erdogan oo ku baaqay is-dhexgalka Muslimiinta, kana soo horjeestay dhaqan-ku-milanka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qayb-galay shirka nabadda Qaza