| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday WFP
Mas’uuliyiinta ayaa si gaar ah uga dooday in Qorshaha Istiraatiijiga ah ee WFP lala jaanqaadsiiyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya, si taageerada caalamiga ah ay si toos ah uga qayb qaadato yoolalka horumarineed ee dalka.
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday WFP
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday WFP

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beenebeene, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), kaas oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Agaasimaha Fulinta ee Hawlgallada Barnaamijyada, Mathew Hollingworth.

Kulankan oo dhacay 4-tii bishan Maayo, isla markaana ay goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax iyo Madaxa WFP ee Soomaaliya Hameed Nuru, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sugnaanta cuntada, nafaqada, iyo dhisidda adkeysiga bulshada, si wax looga qabto saameynta abaaraha iyo xaaladaha bani’aadantinimo ee dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa si gaar ah uga dooday in Qorshaha Istiraatiijiga ah ee WFP lala jaanqaadsiiyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (National Transformation Plan), si taageerada caalamiga ah ay si toos ah uga qayb qaadato yoolalka horumarineed ee dalka.

Dhinacyada ayaa sidoo kale isku afgartay baahida loo qabo in la xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda, lana raadiyo ilo dhaqaale oo waara, iyadoo la tixgelinayo hoos u dhaca guud ee ku yimid deeqaha caalamiga ah.

XIGASHO:SONNA