| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji oo Ku Baaqday Nabad ka Hirgasha Hiiraan
Xildh. Sacdiya Yaasiin Xaaji ayaa ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka Hirshabeelle, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda iyo helidda xal nabadeed oo waara oo lagu soo afjaro colaadda.
Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji oo Ku Baaqday Nabad ka Hirgasha Hiiraan
Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji oo Ku Baaqday Nabad ka Hirgasha Gobolka Hiiraan

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Xaaji, ayaa baaq adag oo nabadeed u dirtay dhinacyada ku lugta leh dagaallada dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, gaar ahaan dagaallada u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ka dhacay Degmada Jalalaqsi.

“Dagaalka murugada leh ee dhex maray bulshooyin walaalo ah oo ku wada nool Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin ama laga aamusi karin. Wuxuu dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada, iyo mustaqbalka dadka deegaanka,” ayay tiri Ku-simaha Madaxweynaha.

Sacdiya Yaasiin Xaaji ayaa ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, hoggaamiyeyaasha bulshada, maamulka Hirshabeelle, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed inay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda iyo helidda xal nabadeed oo waara oo lagu soo afjaro khilaafka jira.

“Annaga oo ah hoggaanka Golaha Shacabka, waxaan mar kale caddeyneynaa taageeradayada dhammaan dadaallada lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda, walaaltinimada, iyo wada noolaanshaha bulshooyinka deegaanka,” ayay raacisay.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa hadalkeeda ku soo gabagabeysay in ilaalinta nabadda iyo ka hortagga wax kasta oo hurin kara colaado hor leh ay tahay mas’uuliyad wada saaran dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Waxay adkaysay in danta guud, xasilloonida, iyo wada noolaanshaha nabadeed ee bulshada ay tahay in laga hormariyo arrin kasta oo kale.

XIGASHO:SONNA