Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso inay kordhiso muddada adeegga milatari ee khasabka ah iyadoo ciidanka ay la tacaalayaan yaraanta sii kordheysa ee askarta, sida ay Khamiistii werisay warbaahinta dadweynaha ee Israa’iil ee KAN.
Netanyahu ayaa hadalkan sheegay intii uu socday shirka golaha amniga, isagoo uga jawaabayay Taliyaha Ciidanka Eyal Zamir oo ka digay in ciidanku “burbur ku dhici karaan” haddii aan wax laga qaban xaaladda.
Wuxuu sheegay in dowladda ay dib u eegi doonto shuruucda qoridda askarta isla markaana ay kordhin doonto muddada adeegga milatari ee khasabka ah kadib fasaxa Yuhuudda ee Passover.
Isagoo iska fogeeyay diidmo ka timid la-taliye sharci oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Knesset oo ku saabsan fududeynta askareynta Yuhuudda ultra-Orthodox, Netanyahu ayaa yiri: “Shaqadiisu waa talo bixinta, balse go’aannada annaga ayaa qaadanna.”
Xoghayaha Golaha Wasiirrada Yossi Fuchs ayaa sheegay in fasaxa kadib dowladdu ay si degdeg ah u eegi doonto kordhinta muddada adeegga iyo dedejinta sharci cusub oo qoridda askar cusub ah.
Afhayeenka ciidanka Israa’iil Effie Defrin ayaa sheegay in ciidanku ay wajahaan yaraanta qiyaastii 15,000 askari, oo ay ku jiraan 8,000 askari oo furinta dagaalka looga baahan yahay.
Sannado adeeg milatari oo khasab ah
Mas’uuliyiinta milatariga Israa’iil ayaa tilmaamay in baahida hawlgallada sii kordhaya, oo ay ku jiraan duullaanka Qaza, weerarrada Iiraan iyo Lubnaan, iyo ilaalinta deegaannada sharci darrada ah ee laga dhisay dhulka Falastiin ee la haysto ee Daanta Galbeed, ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee yaraanta ciidanka.
Waxay ka digeen in iyadoo hawlgalladu kordhayaan, tirada askartu ay hoos u dhacayso.
Arrinta qorida askarta ee Yuhuudda ultra-Orthodox (Haredi) ayaa khilaaf siyaasadeed ka dhalisay gudaha Israa’iil, iyadoo xulafada Haredi ee Netanyahu ay qaadaceen codbixinta baarlamaanka ee ku saabsan sharciga la soo jeediyay.
Sida uu qabo sharciga hadda jira, ragga Israa’iil ayaa laga rabaa 32 bilood oo adeeg milatari ah, halka dumarku ay adeegaan 24 bilood, iyadoo la soo jeediyay in muddada loo kordhiyo 36 bilood.
Tallaabadan ayaa imanaysa xilli Israa’iil ay ballaarineyso duullaanka ay ka waddo koonfurta Lubnaan, halkaas oo ciidanku ay isku dayayaan inay gaaraan aagagga ka xiga Webiga Litani iyagoo sii wada duqeymaha cirka iyo howlgalka dhulka kadib weerar xuduudka ka dhacay 2-dii Maarso oo ay qaaday kooxda Xisbullah.
Xiisaddan ayaa daba socota dagaal wadajir ah oo Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan tan iyo 28-kii Febraayo, kaas oo dilay in ka badan 1,340 oo qof.
Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro drones iyo gantaallo ah oo ay ku beegsatay Israa’iil, saldhigyada Maraykanka iyo dalalka Khaliijka.


















