| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha oo Martigelisay Madasha Warshadaynta Soomaaliya
Madashan oo lagu qabtay hal-ku-dhigga “Ka Faa’iidaysiga Siyaasadda Shiinaha ee Canshuur-dhaafka si loo Dardargeliyo Kobaca Warshadaha Soomaaliya ee Ku Saleysan Dhoofinta”, ayaa ku soo beegantay dabaal-degyada sannad-guurada 66-aad ee Xorriyadda.
Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha oo Martigelisay Madasha Warshadaynta Soomaaliya
Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha oo Martigelisay Madasha Warshadaynta Soomaaliya

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa magaalada Beijing ku qabatay Madasha Warshadaynta Soomaaliya iyo Aagagga Dhaqaalaha Gaarka ah, taas oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 300 oo ganacsato Soomaaliyeed iyo Shiine ah, maalgashadeyaal, iyo wakiillo ka socday rugaha ganacsiga si ay u sahamiyaan fursadaha ganacsi, warshadeed, iyo maalgashi ee u dhexeeya labada dal.

Madashan oo lagu qabtay hal-ku-dhigga “Ka Faa’iidaysiga Siyaasadda Shiinaha ee Canshuur-dhaafka si loo Dardargeliyo Kobaca Warshadaha Soomaaliya ee Ku Saleysan Dhoofinta”, ayaa ku soo beegantay dabaal-degyada sanad-guurada 66-aad ee Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya.

Khudbaddii furitaanka, Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan Cabdi, ayaa sheegtay in siyaasadda Shiinaha ee Canshuur-dhaafka ay abuurtay fursado cusub oo loogu talagalay dhoofinta badeecadaha Soomaaliya iyo horumarinta warshadaha dalka. Waxay tilmaantay in goobta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, kheyraadkeeda dabiiciga ah ee hodanka ah, iyo bulshada dhalinyarada badan ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Jamaal Maxamed Xassan, ayaa soo bandhigay qorshaha Dowladda Federaalka ee warshadaynta dalka, isagoo ku dhiirrigeliyay shirkadaha Shiinaha inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya, gaar ahaan qaybaha warshadaynta kalluunka, beeraha, xoolaha, iyo tamarta.

Agaasimaha Fulinta ee Xafiiska Horumarinta Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST), Maxamed Dubo Maxamed, ayaa isaguna soo bandhigay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo qaybaha mudnaanta u leh horumarinta warshadaha iyo dhaqaalaha.

Madasha waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay mashaariicda waaweyn ee ku jira Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP), oo ay ka mid tahay Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Muqdisho Cusub (New Mogadishu Special Economic Zone). Mashruucan waxaa soo bandhigay Injineer Axmed Kirish, oo sharaxay qorshayaasha la xiriira dekedo casri ah, garoomo diyaaradeed, aagag warshadeed, iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah.

Dhinacyada madasha waxaa lagu qabtay kulamo ganacsi oo toos ah (Business-to-Business – B2B), kuwaas oo u suurtageliyay shirkadaha Soomaaliyeed iyo kuwa Shiinaha inay sahamiyaan iskaashi iyo fursado maalgashi oo cusub.

Madashan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ay ku horumarinayso maalgashiga, ku xoojinayso iskaashiga dhaqaale, isla markaana ku ballaarinayso xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha. Waxay sidoo kale ku soo beegantay xilli siyaasadda Shiinaha ee Canshuur-dhaafka ee badeecadaha ka imanaya dalalka Afrika, oo Soomaaliya ay ku jirto, ay sii furayso suuqyo cusub oo dhoofin, isla markaana taageerayso ajandaha warshadaynta iyo isbeddelka dhaqaale ee Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasiirka Gaashaandhigga oo CXDS ku Boorriyay Gelidda Heegan Sare Kahor Wajiga Xiga ee Howlgallada
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo Gaaray Itoobiya Safar aan Hore Loo Shaacin uu ku Marayo Afrika
Masar oo Cambaareysay Weerarrada Lagu Qaaday Maraakiibta Qatar iyo Sacuudiga ee Marinka Hormuz
Jaamacadda Carabta oo Ka Digtay Masiibo Bani’aadannimo iyo Mid Amni oo Kusoo Fool Leh Al-Obeid
Shirka Dalalka IGAD ee Hirgelinta Hab-maamuuska Dhaqdhaqaaqa Xorta ah oo Ku qabsoomay Muqdisho
Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojinaya Xiriirkooda una diyaar-garoobaya Shirka Guddiga Wadajirka ah
Wasaaradda Gaashaandhigga oo Beenisay Warbixinta ICG ee La-dagaallanka Argagixisada Soomaaliya
MW Xasan Sheekh oo Gaaray Baydhabo si uu uga Qayb Galo Caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS oo Booqday Ciidamada Jiidda Hore ee Bartamaha Soomaaliya
Wafdi Ballaaran oo ka Socda Baarlamaanka Soomaaliya oo Ka Qayb Galaan Caleemo-saarka MW Madoobe
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Midowga Yurub oo Booqasho Sagootin ah Ku Tagtay
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo Booqday Ciidamada Ku sugan Jiidda Hore
IOM oo ka digtay in weerarrada RSF ay magaalada Al Obeid ee Suudaan ka dhigi karaan "Al Fasher kale"
MD Xassan Sheekh oo Ballanqaaday Wejiga Ugu Dambeeya ee Dagaalka Al-Shabaab Ka Dib Asbuuca Xoriyadda
In Ka Badan 6,000 oo Qof oo Ka Barakacay Galbeedka Daarfuur Kadib Hanjabaado ay Jeedisay RSF: IOM
Hambalyooyin Caalami ah iyo Dabbaaldegyo Ballaaran oo Hareeyey Maalinta Xorriyadda Soomaaliya
Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo La Dabaaldegtay Bulshada Soomaaliyeed Maalinta Xorriyadda
Maxkamad 8 Arday oo Gabdho ah Ku Soo Oogtay Eedeymo Dil ah Kadib Dab Qabsaday Hooy Dugsi: Kenya
Ciidanka Nabad-ilaalinta Uganda ee Soomaaliya oo Loo Soo Magacaabay Taliye Ku-xigeen Cusub
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan oo meesha ka saaray wadaxaajood dhexmara iyaga iyo USA