| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Qahqaboobe ee degmada Guriceel ku soo xiray tababar dib-u-xoojin ah oo loo qabtay ciidamada Qaybta 21-aad ee Ciidamada Qalabka Sida
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad / SONNA

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Qahqaboobe ee degmada Guriceel ku soo gabagabeeyay tababar dib-u-xoojin ah oo loo qabtay ciidamada Qaybta 21-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray munaasabadda xiritaanka tababarka, Wasiiru Dowlaha ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay inay xoojiyaan dadaalladooda la-dagaallanka argagixisada ee deegaanka, isagoo ku ammaanay sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda iyo u adeegidda dalka iyo muwaadiniintiisa.

Tababarkan ayaa qayb ka ah layliyo joogto ah oo loogu talagalay kor u qaadista diyaar-garowga dagaal ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA