Dowladda Turkiga ayaa si adag gaashaanka ugu ururtay sheegashooyin lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in la weeraray saldhig milatari oo Maraykanku leeyahay oo ku yaalla dalkaas, iyadoo xogtaas ku tilmaantay mid been abuur ah.
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay dowladda ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin saldhigyo milatari oo dalal shisheeye leeyihiin oo ku yaalla gudaha Turkiga.
Mas'uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in hawada, dhulka, badda, iyo dhammaan xarumaha milatari ay si buuxda u hoostagaan madax-bannaanida iyo maamulka Jamhuuriyadda Turkiga.
"Ma jiro wax weerar ah oo lagula kacay dalkeenna," ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu gacan-seyray qoraallada lagu baahiyay internet-ka.
Dowladda ayaa sidoo kale ka digtay isku-dayada lagu doonayo in Turkiga looga dhigo qayb ka mid ah colaadaha gobolka ka taagan, taas oo ay ku sifeeyeen marin-habaabin bareer ah.
Mas'uuliyiinta ayaa ugu baaqay shacabka in aysan dheg jalaq u siin sheegashooyinka aan la xaqiijin, ayna tixraacaan oo keliya xogta rasmiga ah ee ka soo baxda hay'adaha dowladda.




















