Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga tamarta iyo arrimaha gobolka
Madaxweyne Erdogan ayaa Istanbul kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in hawlgalka qodista shiidaalka ee Soomaaliya uu astaan u yahay iskaashiga sii kordhaya iyo taageerada madax-bannaanida Soomaaliya
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii kula kulmay Istanbul Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, halkaas oo ay kaga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimo heer gobol iyo caalami ah.
Kulanka ayaa ka dhacay Xafiiska Madaxtooyada Dolmabahçe, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay Waaxda Isgaarsiinta ee Turkiga.
Erdogan ayaa sheegay in Ankara ay sii wadi doonto qaadista tallaabooyin lagu horumarinayo xiriirka Soomaaliya ee dhinacyo kala duwan, gaar ahaan ganacsiga iyo tamarta, isagoo intaas ku daray in bilowga hawlgalka markabka qodista shiidaalka ee Turkiga ee Çağrı Bey ee xeebaha Soomaaliya uu yahay astaan muujinaysa iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya labada dal.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay taageerada Turkiga ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah Alparslan Bayraktar, Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Ibrahim Kalin, Agaasimaha Isgaarsiinta Burhanettin Duran, la-taliyaha sare ee arrimaha dibadda iyo amniga Akif Cagatay Kilic, iyo la-taliyaha sare Zafer Cubukcu, halka dhanka Soomaaliyana ay ka qeyb galeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Mohamed Nuur iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ankara Fatxuddiin Cali Ospite.