Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo Wasiiru Dowlaha Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Nuura Mustaf Mukhtaar, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Hindiya u fadhiya Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika.
Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya, gaar ahaan dhinacyada ay qaabilsan yihiin wasiirrada ka qeybgalay kulanka, oo ay ka mid yihiin dalxiiska iyo dhaqanka, dhallinyarada iyo ciyaaraha, iyo waxbarashada.
XIGASHO:SONNA























