| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo Laascaanood ka daah-furay ololaha toddobaadka dhir-beerista
Madaxweyne Firdhiye ayaa bulshada ugu baaqay in ay si firfircoon uga qayb-qaataan ololahan qaran ee dhir-beerista, si loo ilaaliyo deegaanka, loona xaqiijiyo mustaqbalka deegaan cagaaran oo waara.
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo Laascaanood ka daah-furay ololaha toddobaadka dhir-beerista
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo Laascaanood ka daah-furay ololaha toddobaadka dhir-beerista / Social Media
5 saacadood ka hor

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa magaalada Laascaanood si rasmi ah uga daah-furay xuska Ololaha Toddobaadka Dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Waqooyi Bari, ayaa waxaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Wasiirka wasaaraddaas, Siciid Maxamed Cabdiraxmaan.

Wasiirka ayaa si qoto dheer uga faallooday muhiimadda ay dhir-beeristu u leedahay ilaalinta deegaanka, yaraynta saameynta taban ee isbeddelka cimilada, iyo horumarinta nolosha iyo bilicda bulshada.

Madasha daah-furka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb-galay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Maamul-goboleedka Waqooyi Bari, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Jen. Cabdi Xasan Xijaar, Wasiirka Waxbarashada, Daahir Cabdirisaaq Ingaydh, iyo Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka, Dr. Caafi.

Dhanka Wasaaradda Deegaanka waxaa si waafaqsan hab-maamuuska dowladeed goobjoog u ahaa hoggaanka wasaaradda oo ay ugu horreeyaan Wasiir Siciid Maxamed Cabdiraxmaan iyo Wasiir Ku-xigeenka, Cabbaas Maxamuud Cali Yacquub, oo ay weheliyaan agaasime-waaxeedyada iyo guud ahaan hawl-wadeennada wasaaradda oo door muuqda ka qaatay qabanqaabada iyo hirgelinta munaasabadda.

Gebagebadii, Madaxweyne Firdhiye ayaa bulshada ugu baaqay in ay si firfircoon uga qayb-qaataan ololahan qaran ee dhir-beerista, si loo ilaaliyo deegaanka, loona xaqiijiyo mustaqbalka deegaan cagaaran oo waara.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoojinta dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo la-tacaalidda xaaladaha ka dhasha isbeddelka cimilada.