| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo Laascaanood ka daah-furay ololaha toddobaadka dhir-beerista
Madaxweyne Firdhiye ayaa bulshada ugu baaqay in ay si firfircoon uga qayb-qaataan ololahan qaran ee dhir-beerista, si loo ilaaliyo deegaanka, loona xaqiijiyo mustaqbalka deegaan cagaaran oo waara.
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo Laascaanood ka daah-furay ololaha toddobaadka dhir-beerista
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo Laascaanood ka daah-furay ololaha toddobaadka dhir-beerista / Social Media

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa magaalada Laascaanood si rasmi ah uga daah-furay xuska Ololaha Toddobaadka Dhir-beerista Qaranka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Waqooyi Bari, ayaa waxaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Wasiirka wasaaraddaas, Siciid Maxamed Cabdiraxmaan.

Wasiirka ayaa si qoto dheer uga faallooday muhiimadda ay dhir-beeristu u leedahay ilaalinta deegaanka, yaraynta saameynta taban ee isbeddelka cimilada, iyo horumarinta nolosha iyo bilicda bulshada.

Madasha daah-furka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb-galay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Maamul-goboleedka Waqooyi Bari, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Jen. Cabdi Xasan Xijaar, Wasiirka Waxbarashada, Daahir Cabdirisaaq Ingaydh, iyo Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka, Dr. Caafi.

Dhanka Wasaaradda Deegaanka waxaa si waafaqsan hab-maamuuska dowladeed goobjoog u ahaa hoggaanka wasaaradda oo ay ugu horreeyaan Wasiir Siciid Maxamed Cabdiraxmaan iyo Wasiir Ku-xigeenka, Cabbaas Maxamuud Cali Yacquub, oo ay weheliyaan agaasime-waaxeedyada iyo guud ahaan hawl-wadeennada wasaaradda oo door muuqda ka qaatay qabanqaabada iyo hirgelinta munaasabadda.

Gebagebadii, Madaxweyne Firdhiye ayaa bulshada ugu baaqay in ay si firfircoon uga qayb-qaataan ololahan qaran ee dhir-beerista, si loo ilaaliyo deegaanka, loona xaqiijiyo mustaqbalka deegaan cagaaran oo waara.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoojinta dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo la-tacaalidda xaaladaha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Raadi Warar Kale
MW Xasan Sheekh oo Bogaadiyay Doorashooyinka Nabdoon ee Koonfur Galbeed, Kana Digay Bannaanbaxyada
Maamulka Koonfur Galbeed oo isku diyaarinaya doorashooyin taariikhi ah oo ‘qof iyo cod’ ah
UNDP oo ku baaqday maalgelin dheeraad ah oo lagu sameeyo shaqooyinka iyo adeegyada Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Xoojinaysa Iskaashiga Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka
Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jaray adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Martiini
Madaxweynaha Burkina Faso oo qaabilay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya
Wasaaradda Hawlaha Guud iyo IOM oo Xoojinaya Iskaashiga Dib-u-dhiska iyo Dib-u-dejinta
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo La Kulmay Dhiggiisa Suudaan si loo Xoojiyo Iskaashiga Amniga
Trump oo shaaciyay in hakad la geliyey hawlgalka gudbinta maraakiibta ku xayiran Marinka Hormuz
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Beenisay Warar Been Abuur ah oo ku Saabsan Xaaladda Danjiraha UAE
5 Qof oo ku Dhintay Weerar Drone oo lagu beegsaday Goobo Shidaal oo ku Yaalla Suudaan
Jabuuti oo dirtay dufcaddii ugu horreysay ee xujeyda u safraysa dalka Sucuudiga
Wasaaradda Cadaaladda XFS iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka oo ku heshiiyay xoojinta kormeerka xabsiyada
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday WFP
Wasiirka Maaliyadda oo Muqdisho ku Qaabilay Wafdi Heer Sare ah oo ka Socda Qaramada Midoobay
Wasiirka Waxbarashada oo Amray in La Banneeyo Dhulka Jaamacadda Ummadda si Dib-u-dhis Loogu Sameeyo
Wasiirka Warfaafinta oo Hambalyo u Diray Saxafiyiinta Soomaaliyeed Maalinta Xorriyadda Saxaafadda
Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Hoggaanka UNDP
Wasiirka Ku-xigeenka Shaqada oo Ka Qaybgashay Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee Muqdisho