Iiraaniyiinta oo dhigay mudaaharaadyo waaweyn kadib weerarradii lagu dilay hoggaamiye Cali Khamenei

Iiraaniyiinta ayaa ka falceliyay dibadbaxyo ballaaran iyagoo dhigay baroor-diiq kadib markii Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Khamenei lagu dilay weerarro ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

By
Bannaanbaxyo ayaa ka qarxay guud ahaan Iiraan ka dib dilkii Khamenei oo ka dhashay duqaymihii Maraykanka iyo Israa'iil. / Reuters

Banaanbaxyo ayaa Axaddii ka qarxay guud ahaan Iiraan kadib markii lagu dhawaaqay in Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Cali Khamenei lagu dilay weerarro milatari oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Isbedelladan ayaa si weyn u sii huriyay xiisadda Bariga Dhexe isla markaana kiciyay falcelin dadweyne oo ballaaran gudaha Iiraan.

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa goor hore xaqiijiyay in Khamenei uu ku dhintay weerarradii Mareykanka iyo Israa’iil, isagoo ku dhawaaqay in “hoggaamiyihii kacaanka Islaamiga ah uu gaaray shahaado.”

Dowladda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday 40 maalmood oo baroor-diiq qaran ah iyo toddoba maalmood oo fasax rasmi ah.

Dadweyne tiro badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalooyin kala duwan oo Iiraan ah si ay uga falceliyaan geerida Khamenei.

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in dibadbaxayaal sita calanka Iiraan ay isugu yimaadeen xarumaha magaalooyinka si ay u muujiyaan murugadooda.

Tehran gudaheeda, boqolaal qof ayaa ku soo ururay Fagaaraha Inkilap, iyagoo lulaya calamo iyo boorar ay ku sawiran yihiin Khamenei, kuna dhawaaqaya hal-ku-dhigyo cambaareynaya Mareykanka iyo Israa’iil.

Magaalada barakeysan ee Qom, boqolaal qof ayaa isugu soo baxay agagaarka Qubadda Hazrat Masume si ay u cambaareeyaan weerarrada.

Mashhad, dad barooranaya ayaa muujiyay astaamo murugo ah iyagoo calan madow ku daboolay qubbadda Masjidka Imam Reza, oo ah mid ka mid ah goobaha diimeed ee ugu qiimaha badan Iiraan, halka qaar badan lagu arkayay iyagoo ooyaya hareeraha masjidka.

Xubno ka tirsan qoyska Khamenei oo la dilay

Mas’uuliyiinta ayaa qiray in weerarka dhacay waaberigii Sabtida lagu beegsaday Khamenei xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa Tehran.

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa adkaysay in si ka duwan sheegashooyinka ahaa inuu ku dhuumanayay meel dhulka hoostiisa ah, uu “ku sugnaa waajibaadkiisa, dhexda shacabka,” iyadoo ku sifeysay geeridiisa mid ka tarjumaysa hoggaamintiisii dadweyne ee muddada dheer.

Ilo Iiraani ah ayaa sheegay in xubno ka tirsan qoyska Khamenei, oo ay ku jiraan gabadhiisa, sodoggiisa, wiil uu awoowe u ahaa iyo gabadh uu sodog u ahaa, lagu dilay weerarrada.

Weerarradan ayaa sababay khasaare rayid oo ballaaran, iyadoo Bisha Cas ee Iiraan ay soo sheegtay 201 dhimasho iyo 747 dhaawac oo ka dhashay duqeymaha.