| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo Xaqiijiyay Sida Soomaaliya ay uga Go’an Tahay Hirgelinta AfCFTA
wasiirka ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta AfCFTA iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ganacsi, maalgashi iyo is-dhexgal dhaqaale ee qaaradda Afrika
Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo Xaqiijiyay Sida Soomaaliya ay uga Go’an Tahay Hirgelinta AfCFTA
Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo la kulmay Xoghayaha Guud ee AfCFTA, si loo xoojiyo ganacsiga iyo iskaashiga. / SONNA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Isniintii xafiiskiisa ku qaabilay Wamkele Mene, Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA).

Xoghayaha Guud ee AfCFTA ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay hirgelinta waajibaadka AfCFTA iyo kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika.

Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaan ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta qaab-dhismeedka AfCFTA, isagoo xusay in Soomaaliya ay horey u ansixisay heshiiska.

Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato fursadaha ay AfCFTA ka bixiso dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee guud ahaan qaaradda Afrika.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Ciidanka Suudaan oo La Wareegay Deegaan Istaraatiiji ah oo ku Yaalla Galbeedka Daarfuur
Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Morocco oo ka Qaybgalay Toddobaadka Amniga Internetka ee Morocco
Shirweynaha Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya 2026 oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga u Fadhiya Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Safiirrada Dalalka Carabta, Kalana Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Wasiirka Deegaanka oo ku Baaqay Xalal ku Saleysan Cilmi-baaris si Loo Xoojiyo Adkeysiga Soomaaliya
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose