Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Khamiistii si rasmi ah ula wareegay guddoominta Kalfadhiga Caadiga ah ee 56-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Dalalka Carabta, kaas oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Wasiirka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka qeybgalayaasha gaarsiiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo mar kale caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashi ee dalalka Carabta iyo ballaarinta wada-shaqeynta dhinaca warbaahinta.
“Waxaan ku faraxsanahay oo aan ku faaneynaa inaan la wareegno hoggaaminta kalfadhigan, waxaana rajeyneynaa inaan si wadajir ah uga shaqeyno sii horumarinta guulihii hore loo gaaray iyo in arrimaha mudnaanta inoo leh loo rogo tallaabooyin wax ku ool ah oo horumariya warbaahinta Carabta, isla markaana daboola himilooyinka shucuubteenna,” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa si gaar ah diiradda u saaray kaalinta ay warbaahintu ka qaadato dhismaha hay’adaha dowliga ah, dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada qaranka, dhiirrigelinta dib-u-heshiisiinta iyo ka hortagga fikradaha argagixisada.
“Waayo-aragnimada laga dhaxlay Soomaaliya waxay muujineysaa in warbaahintu ay laf-dhabar u tahay dhismaha dowladnimada, dhowrista madaxbannaanida iyo wadajirka qaranka, iyo sidoo kale xoojinta dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta,” ayuu Wasiirku sheegay.
Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay dalalka Carabta inay kordhiyaan wadaagga aqoonta iyo waayo-aragnimada ku saabsan la-dagaallanka dacaayadaha argagixisada iyo wararka marin-habaabinta ah. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in sare loo qaado tayada tababarrada suxufiyiinta, xaqiijinta saxnaanta macluumaadka iyo ilaalinta badbaadada xirfadeed. Intaas waxaa dheer, wuxuu tilmaamay baahida loo qabo horumarinta warbaahinta dhijitaalka ah iyo ka faa’iidaysiga garaadka macmalka ah, iyadoo la dhowrayo kalsoonida xogta, asturnaanta iyo xuquuqda dadka hal-abuurka leh.
Markii uu ka hadlayay qadiyadda Falastiin, Wasiirka ayaa dib u xaqiijiyay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee taageerada xuquuqda shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan iyo inay yeeshaan dowlad madax-bannaan. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay waajibaadka warbaahinta ka saaran tebinta xadgudubyada, gaarsiinta codka shacabka Falastiin iyo ilaalinta badqabka suxufiyiinta.
Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta, Cabdifataax Qaasim, ayaa sheegay in muddada ay Soomaaliya hoggaamineyso Golaha ay si dhow ula shaqeyn doonto dalalka xubnaha ka ah iyo Xoghaynta Guud, si loo daba-galo go’aannada muhiimka ah, loo dejiyo hababka lagu hirgelinayo, loona qiimeeyo heerka horumarka la gaaro, taas oo lagu xaqiijinayo in iskaashiga warbaahinta dalalka Carabta uu horseedo natiijooyin muuqda oo la taaban karo.





















