| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxa WHO oo shaaciyay ciribtirka safmarkii ugu dambeeyay ee Ebola ee ka dillaacay DRC
Xanuunkan safmarka ah, oo la shaaciyay bishii Sebtembar, ayaa diiwaangeliyay 64 xaaladood oo la xaqiijiyay iyo kuwa la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan 45 qof oo u dhintay.
Madaxa WHO oo shaaciyay ciribtirka safmarkii ugu dambeeyay ee Ebola ee ka dillaacay DRC
Fayraska Ebola, oo ah cudur naadir ah balse halis ah, ayaa ku faafay dhulka kulaylaha ah ee Kongo. /Sawirka: Reuters / Reuters
2 Diseembar 2025

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa Isniintii ku dhawaaqay in la ciribtiray safmarkii ugu dambeeyay ee cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, isagoo ku tilmaamay “war farxad leh.”

Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo warbaahinta kula hadlay Geneva, ayaa ugu hambalyeeyay dowladda iyo shacabka, gaar ahaan bulshada Bulape oo ay saameynta ugu weyni gaartay. Xanuunkan safmarka ah, oo la shaaciyay bishii Sebtembar, ayaa diiwaangeliyay 64 xaaladood oo la xaqiijiyay iyo kuwa la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan 45 qof oo u dhintay.

“Waxaan tacsi u diraynaa kuwii dhintay, gaar ahaan kuwii noloshooda ku waayay iyagoo dadka u adeegaya,” ayuu yiri Tedros.

Wuxuu sheegay in WHO ay “ku faanto doorkeeda” ee lagu xakameeyay xanuunka, iyagoo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka, hay’adaha qaranka iyo bahwadaag kale.

Tedros wuxuu xusay in toban sano ka hor aanay jirin talaal ama daawooyin la ogolaaday oo Ebola ah, halka maanta cudurka loo arko mid laga hortagi karo oo la daaweyn karo.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in fayras kale oo halis ah uu hadda ku faafayo gobolka. “In kasta oo Ebola laga cirib tiray Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Kongo, haddana waxaa labo toddobaad ka hor Itoobiya laga shaaciyay xanuunka safmarka ah ee Marburg,” ayuu yiri.

Ilaa hadda Itoobiya waxay soo werisay 12 xaaladood oo la xaqiijiyay, oo ay ku jiraan 8 dhimasho ah. Saddex bukaan ah ayaa ka bogsaday, mid kalena weli waxaa u socota daaweyn, sida ay sheegtay WHO. Tedros wuxuu sheegay in dowladda Itoobiya hoggaaminayso ololaha ka hortagga cudurka safmarka ah, WHO-na ay taageerayso marka loo baahdo.

WHO ayaa sidoo kale bixinaysa qalabka baaritaanka, agabkii ilaalinta shaqaalaha caafimaadka, waxayna diraysaa khubaro ka caawiya maamulka deegaanka sidii loo xakameyn lahaa xanuunka safmarka ah.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo baaraysa eedeymo la xiriira adeegsiga hawadeeda ee hogaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen
Muqdisho: Culimada oo hoggaamiyay dibadbax weyn oo looga soo horjeedo 'faragelinta Israa’iil'
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Gorgor oo ka qalinjabiyey TURKSOM
Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo cambaareysay booqashada Gideon Saar ee Somaliland, kuna tilmaantay mid sharci darro ah
Masar oo diidday tallaabada Israa’iil ee sharci-darrada siyaasadeed ah ee lagu aqoonsaday Somaliland
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela