Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa adkeeyay muhiimada iskaashiga u dhexeeya dalalka ku teedsan Wabiga Niil, isaga oo diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo laga qaado marin-biyoodka, sida ay Talaadadii sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Abdelatty uu Isniintii magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto, halkaas oo uu gaarsiiyay farriin uu ka siday Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi kuna socotay dhiggiisa Kenya.
Farriintaas, Sisi waxa uu ku ammaanay kor u qaadista xiriirka laba geesoodka ah ee loo gaarsiiyay heer iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya labada dal iyo saxiixa Baaqa Qaahira intii uu Ruto booqashada ku joogay Qaahira bishii hore.
Arrinta amniga biyaha, Abdelatty ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimada iskaashiga iyo is-afgaradka dalalka Niil, isaga oo diiday “tallaabooyin hal dhinac ah” oo ku saabsan webiga, isla markaana ku celiyay taageerada “wada-tashiyada socda ee ku jira qaab-dhismeedka Hindisaha Wabiga Niil.”
Dhankiisa, Wasiirka Waraabka ee Masar Hani Sewilam ayaa xaqiijiyay sida Masar uga go’an tahay xoojinta iskaashiga farsamo ee ay la leedahay Kenya ee qodista ceelasha biyaha dhulka hoostiisa, dhismaha biyo-xireennada kaydiya biyaha roobka, hawlgelinta nidaamyada waraabka casriga ah, iyo sidoo kale dhisidda awoodda iyo tababarka.
Wabiga Niil waxaa wadaaga 11 dal oo kala ah Burundi, Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Kenya, Uganda, Tansaaniya, Itoobiya, Eritrea, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Masar, wuxuuna dhererkiisu gaarayaa qiyaastii 6,650 kiiloomitir.
Sannadkii 1999, waxaa la shaaciyay Heshiiska Qaab-dhismeedka Iskaashiga (CFA) ee dalalka Niil, oo loo yaqaan Heshiiska Entebbe.
Itoobiya, Rwanda, Tansaaniya, Uganda iyo Burundi ayaa saxiixay heshiiskaas sannadkii 2010, iyadoo Koonfurta Suudaan ay ku biirtay bishii Luulyo 2024, inkastoo Masar iyo Suudaan ay weli ka soo horjeedaan.
Qaahira iyo Khartuum ayaa ku dooday in heshiiskaasi uusan tixgelin heshiisyadii 1902, 1929 iyo 1959, kuwaas oo dejiyay qoondooyin gaar ah oo biyo ah, 55.5 bilyan oo mitir kuyuubik ah Masar iyo 18.5 bilyan oo mitir kuyuubik ah Suudaan, isla markaana siiyay labada dal xuquuq diidmo ah oo ku saabsan mashaariicda Niil ee si taban u saameyn kara xaddiga biyaha ama beddeli kara waqtigooda.
*Qoraalka waxaa diyaarisay Rania Abushamala oo ku sugan Istanbul.























