Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Arbacadii wadahadallo la yeeshay Sarreeye Gaas Sabahattin Kılınç, Taliyaha Taliska Istaraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, iyagoo diiradda saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee dhinacyada difaaca iyo amniga ee labada dal.
Wadahadallada ayaa looga hadlay iskaashiga milatari, xaaladda amniga ee Geeska Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo faragelinta shisheeye ee lagu taageerayo kooxaha argagixisada.
Wasiir Fiqi ayaa ku ammaanay Turkiga taageerada joogtada ah ee uu siiyo dadaallada Soomaaliya ee la-dagaallanka kooxaha argagixisada, isagoo mar kale xaqiijiyay muhiimadda iskaashiga soo jireenka ah ee dhinaca difaaca ee labada dal.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Yuusuf Cali Maxamed; Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise; iyo Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, Sarreeye Gaas Sabahattin Kalkan.





















