| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
SoDMA iyo QM oo Dib u Eegay Xaaladda Bani’aadantinimo, Xoojiyayna Dadaallada Isku-duwidda Gargaarka
Kulanka oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin sare oo ka socday SoDMA iyo OCHA, ayaa dib loogu eegay xaaladdii ugu dambeysay ee bani’aadantinimo ee dalka kana wadahadlay xoojinta dadaallada gargaarka ee lagu taageerayo bulshooyinka nugul.
SoDMA iyo QM oo Dib u Eegay Xaaladda Bani’aadantinimo, Xoojiyayna Dadaallada Isku-duwidda Gargaarka
SoDMA iyo QM oo Dib u Eegay Xaaladda Bani’aadantinimo, Xoojiyayna Dadaallada Isku-duwidda Gargaarka

Kulanka oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin sare oo ka socday SoDMA iyo OCHA, ayaa dib loogu eegay xaaladdii ugu dambeysay ee bani’aadantinimo ee dalka, waxaana sidoo kale looga hadlay siyaabaha lagu xoojin karo dadaallada gargaarka ee lagu taageerayo bulshooyinka nugul.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadantinimada, George Conway, ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulanka billaha ah ee isku-duwidda arrimaha bani’aadantinimada oo ka dhacay Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin sare oo ka socday SoDMA iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA), ayaa dib loogu eegay xaaladdii ugu dambeysay ee bani’aadantinimo ee dalka, waxaana sidoo kale looga hadlay siyaabaha lagu xoojin karo dadaallada gargaarka ee lagu taageerayo bulshooyinka nugul.

Ka qaybgalayaashu waxay qiimeeyeen caqabadaha bani’aadantinimo ee weli taagan, waxayna adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-duwidda bahwadaagta si loo xaqiijiyo in gargaar degdeg ah oo wax ku ool ah uu gaaro dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka kala duwan.

Isagoo ka hadlayay kulanka, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda kulamada joogtada ah ee isku-duwidda si loo hagaajiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo, isagoo xusay baahida loo qabo sii wadidda wada-shaqeynta si wax looga qabto baahiyaha dadka ay saameeyeen abaaraha, barakaca, iyo caqabadaha kale ee bani’aadantinimo.

XIGASHO:SONNA