Sacuudi Carabiya oo qabatay 3 gantaal oo ku wajahnaa Saldhigga Ciidanka Cirka ee Amiir Sultan
Sacuudi Carabiya ayaa qabatay saddex gantaal oo nooca riddada dheer ah oo ku wajahnaa Saldhigga Ciidanka Cirka ee Amiir Sultan, taasoo calaamad u ah sii kordhinta xurgufta gobolka ee u dhexeeysa isbahaysiga Mareykanka & Israa’iil iyo Iiraan.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qabatay saddex gantaal oo nooca riddada dheer ah oo ku wajahnaa Saldhigga Ciidanka Cirka ee Amiir Sultan, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, taasoo ah calaamad kale oo muujinaysa fiditaanka saameynta sii kordhaysa ee xiisadaha milatari ee Bariga Dhexe.
Dhacdadan ugu dambeysay ayaa timid iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka ee la xiriira dagaalka socda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Mareykanka oo hal dhinac iyo Iiraan oo dhinaca kale ah, kaas oo maalmahan dambe ku lug yeeshay is-weydaarsi gantaallo iyo weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ;agu beegsaday dhowr dal oo gobolka ah, oo uu ku jiro Khaliijku.
Isbedelladan ayaa sidoo kale imanaya kadib weerarro isdaba joog ah oo lagu beegsaday Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo kale oo Khaliijka ah, iyadoo Iiraan lagu eedeeyay inay fulisay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo lagu qaaday xarumo milatari iyo kuwo dhaqaale oo ku yaalla gobolka.
Kororka xiisadahan ayaa kordhiyay walaaca laga qabo suurtagalnimada iska hor imaad ballaaran oo gobolka ka dhaca, iyo sidoo kale saameyn dhaqaale oo suurtagal ah, gaar ahaan suuqyada tamarta caalamka maadaama Khaliijku door muhiim ah ka ciyaaro sahayda shiidaalka iyo gaaska ee adduunka.
Barakaca oo kordhaya
Dhanka kale, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in ugu yaraan 330,000 qof ay ku khasbanaadeen in ay ka barakacaan Bariga Dhexe iyadoo ay weli socoto xurguftu.
Tiradaas ayaa la sheegay in ay ku jiraan qiyaastii 100,000 oo qof oo ka qaxay Tehran maalmahan u dambeeyay iyo in ka badan 84,000 oo qof oo ku sugan Lubnaan.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu garaacay ku dhowaad 200 oo bartilmaameed oo ku yaalla Iiraan, oo ay ku jiraan goobaha gantaallada riddada dheer iyo ugu yaraan 30 markab oo ay leedahay Iiraan.
Jawaab ahaan, Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay weerar isku dhafan oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo oo lagu qaaday Tel Aviv iyo meelo kale oo ku yaalla bartamaha Israa’iil.
Dhanka kale, Iiraan ayaa cambaareysay weerar ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Xarunta Ciyaaraha Azadi ee Tehran, oo ah garoon qaada 12,000 oo qof, iyadoo ku tilmaantay jebin sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Olombikada.