Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Geeska Afrika
Wadahadallada ayaa lagu adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay difaaca madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, iyo in xalalka arrimaha dalka ay noqdaan kuwo ay hoggaaminayaan Soomaalida.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Guang Cong, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika, kulankaas oo ka dhacay dhinacyada shirarka Midowga Afrika.
Wadahadallada ayaa lagu adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay difaaca madaxbannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed, iyo in xalalka arrimaha dalka ay noqdaan kuwo ay hoggaaminayaan Soomaalida.
Wasiirka ayaa sidoo kale u rajeeyay Mudane Guang Cong guul iyo horumar xilkiisa cusub, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay inay si dhow ula shaqeyso si loo taageero nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Wasiirka oo sidoo kale Addis Ababa kula kulmay dhiggiisa Masar
Wasiir Cabdisalaam ayaa sidoo kale wada-hadal laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa Masar, kulankaas oo qabsoomay intuu uu socday shirarka Midowga Afrika ee ka socda Addis Ababa.
Labada wasiir ayaa mar kale xaqiijiyay xiriirka taariikhiga ah ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyagoo ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin isku-duwidda diblomaasiyadda, nabadda iyo amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in la sii wado wada-shaqeyn dhow oo loo marayo kanaallada diblomaasiyadeed ee jira, si loo horumariyo danaha wadajirka ah loona xoojiyo xasilloonida gobolka.