Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay istiraatiijiyado lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta himilooyinka wadajirka ah, fursadaha iskaashi cusub iyo dhiirrigelinta wada-shaqeyn waarta.

By
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali oo qaabilay Safiirka Turkiga Danjire Alper Aktaş. / Others

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Isniintii xafiiskiisa Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay istiraatiijiyado lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta himilooyinka wadajirka ah, fursadaha iskaashi cusub iyo dhiirrigelinta wada-shaqeyn waarta.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xusay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo 60 sano jirsaday.