Netanyahu oo la sheegay inuu Trump ku riixay dagaalka iiraan
Netanyahu ayaa muddo dhawr bilood ah olole xooggan ugu jiray sidii Maraykanku u qaadi lahaa weerar ciidan
Wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu door lulub ah ka qaatay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu u weeciyo dhanka dagaalka dalka Iiraan.
Sida lagu sheegay warbixinta oo soo baxday Isniintii shalay, oo ay taariikhdu ahayd 2-da Bisha Saddexaad, Netanyahu ayaa muddo dhawr bilood ah olole xooggan ugu jiray sidii Maraykanku u qaadi lahaa weerar ciidan, isagoo ka shaqeynayay in wadahadallada diblomaasiyadeed aysan carqaladayn qorshaha duqaymaha.
Warbixinta oo soo xiganaysa mas'uuliyiin ka tirsan sirdoonka, diblomaasiyiin, iyo sharci-dejiyayaal labada dal ah, ayaa sheegtay in markii uu Netanyahu booqday Aqalka Cad 11-kii Bisha Labaad, ujeeddadiisu ay ahayd in Trump uu ku adkeeyo go’aanka ciidan, xilli ay socdeen wadahadallo nukliyeer ah oo ay dhex-dhexaadinaysay Cumaan.
Labada hoggaamiye ayaa muddo saddex saacadood ah ka wada hadlay xilliga ugu habboon ee weerarka la bilaabayay.
Iskudubaridka labada dal ayaa ahaa mid qoto dheer. Markii Netanyahu uu codsaday in weerarka dib loo dhigo bishii kowaad si Israa’iil ay u xoojiso difaaceeda hawada, Trump waa uu aqbalay.
Inkasta oo ay dhaceen saddex wareeg oo wadahadallo ah oo ka kala dhacay dalalka Cumaan iyo Swiizerland, haddana ergayda Maraykanka ayaa u sheegay Trump in aan la gaari karin heshiis lagu wada qanco.
Weerarrada loogu magac daray "Operation Epic Fury", oo billowday Sabtidii, ayaa sababay dhimashada hoggaamiyihii ugu sarreeyey ee dalka Iiraan, Cali Khamenei, iyo saraakiil kale oo sare.
Madaxweyne Trump ayaa ka digay inay suurtogal tahay in khasaaruhu kordho, maadaama ololahan ciidan la filayo inuu socdo muddo afar illaa shan toddobaad ah.