| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga
Labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi, ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo abuurista fursado ganacsi oo cusub oo ay ka faa’iideysan karaan ganacsatada Soomaaliya iyo Cumaan.
Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga
Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda, Maxamed Abubakar Shariif, iyo Wasiir Ku-xigeenka, Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo), ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Saldanadda Cumaan u fadhiya Soomaaliya, Saalim Binu Xabiib Binu Salaam Al-Caamiri.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo Cumaan, iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu lafa-guray fursadaha lagu horumarin karo xiriirka ganacsi ee labada dhinac, laguna abuuri karo fursado ganacsi oo cusub oo ay ka faa’iideysan karaan ganacsatada labada dal.

XIGASHO:SONNA