Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii si weyn u ammaanay iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, isagoo xukuumadda Ankara ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadatay xoojinta amniga badaha dalka, horumarinta khayraadka xeebaha iyo dhaqaalaha buluugga ah.
Isaga oo ka hadlayay furitaanka Shirweynihii ugu horreeyay ee Badaha Soomaaliya (SMC2026) oo ka furmay magaalada Muqdisho, ayuu Madaxweynuhu dul istaagay taariikhda iyo miradhalka xiriirka labada dal.
"Waxaan rabaa hadda inaan arrin kale ka hadlo. Dowladda Turkiga waxaan wada leenahay Heshiiska Istaraatiijiga ah (Strategic Framework Agreement), kaas oo muddo sannado ah laga soo shaqeynayay, shaqo badanna ay ka socotay," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusuusiyay ergooyinka in Turkigu uusan ahayn saaxiib cusub.
"Dowladda Turkigu waa dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya garab istaagtay xilligii ay ugu baahnayd, shacabka Soomaaliyeedna la garab istaagtay. Ma aha dal maanta yimid. Waa dal muddo dheer nala soo shaqeynayay."
Madaxweynaha ayaa xusay in Turkigu uu si dhab ah uga jawaabay markii la garwaaqsaday muhiimadda iyo halista ku xeeran xeebaha dalka, wuxuuna yiri, "Markii ay caddaatay muhiimadda iyo khatarta ku xeeran baddeenna, iyo waxa ka socda baddeenna oo sannado badan nala lahaa, Dowladda Turkigu waxay Soomaaliya u dirtay qalabkii ugu casrisanaa, tiknoolajiyadii ugu horumarsanayd iyo dadkii ugu aqoonta badnaa si ay nooga taageeraan arrimahaas."
Wuxuu hoosta ka xariiqay in taageeradaasi ay isugu jirto qalab, aqoon iyo dhaqaaleba: "Haddii ay tahay markabka hadda ku sugan biyaha Soomaaliya ee wada hawlaha sahaminta, haddii ay tahay maraakiibta kalluumeysiga iyo raxanta maraakiibta kalluumeysiga ee dhowaan iman doonta Soomaaliya, haddii ay tahay habraacyadii iyo qaabkii looga faa'iidaysan lahaa khayraadka badda, Dowladda Turkigu waxay naga caawisay khubaro iyo farsamo. Haddii ay tahay amniga badaha, taageero aad u ballaaran ayay naga siisay. Haddii ay tahay maalgashi, maalgashi aad iyo aad u badan ayay ku bixisay Soomaaliya."
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in sugidda amniga badaha Soomaaliya ay udub-dhexaad u tahay in laga faa'iideysto kheyraadka dihin ee dalka. "Soomaaliya khayraadkeeda lama soo saari karo, shidaalkeedana lama baari karo, mana laga faa'iidaysan karo haddii amniga baddeenna la waayo. Berrigana waxaa ka socda hawlo sahamin ah. Inkastoo aan weli natiijada la hubin, haddana waxaan rajaynaynaa, haddii Alle idmo, in dhowaan khayr laga helo."
Isagoo soo afmeeraya arrimaha iskaashiga laba geesoodka ah, ayuu Madaxweynuhu u mahadceliyay dhiggiisa Turkiga, isagoo yiri: "Waxaan rabaa hadda inaan si gaar ah ugu mahadceliyo Dowladda Turkiga iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, go'aannada istaraatiijiga ah ee uu qaatay iyo taageerada joogtada ah ee uu u fidiyay Soomaaliya. Taageeradaas waxay qayb weyn ka qaadatay dadaallada dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta awoodda Soomaaliyeed."
Baaq furan oo loo diray beesha caalamka iyo maalgashadayaasha
Intaas kadib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin ballaaran u diray guud ahaan beesha caalamka, isagoo ku baaqay in laga faa'iidaysto jawiga cusub ee nabadda iyo horumarka ee ka curtay dalka.
"Sidoo kale, waxaan la hadlayaa saaxiibbadeenna kale ee Yurub, Ameerika, Khaliijka iyo guud ahaan Afrika. Waxaan leeyahay Soomaaliya maanta waxaa ka jira fursado waaweyn," ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayay diblumaasiyiintii iyo maalgashadayaashii madasha ku sugnaa.
Wuxuu xusay in waqtiyadii mugdiga ahaa laga soo gudbay: "Fursadahaas waxaa muddo dheer hortaagnaa caqabado badan. Caqabadahaas badankood maanta waa laga gudbay, waxaana ka gudbay Dowladda Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay garab taagnaayeen saaxiibbadoodu. Waxaan rajaynaynaa in wixii caqabado ah ee harsan iyaguna meesha ka baxaan. Dadka Soomaaliyeed uma qalmaan in ay sii ahaanayaan dad caqabado ku nool oo laga sheekeeyo oo keliya. Waxay mudan yihiin inay ka faa'iidaystaan fursadaha uu dalkoodu leeyahay, khayraadkiisa iyo barwaaqadiisa."
Madaxweynaha ayaa si adag u sheegay in dalka uusan mar dambe hooy u noqon doonin dhibaatooyinkii hore: "Khayraadka Soomaaliya looma abuuran in uu ku dhammaado Al-Shabaab, burcad-badeed, qashin lagu soo qubo, dowladnimo xumo ama musuqmaasuq. Maanta shacabka Soomaaliyeed arrintaas way ka gudbeen, wayna arkeen waddadii saxda ahayd."
Isagoo adduunka u xaqiijinaya in albaabbada Soomaaliya ay furan yihiin, wuxuu yiri: "Sidaas darteed, waxaan rabaa inaan fariin u diro caalamka. Soomaaliya waxay u furan tahay ganacsi. Soomaaliya waxay u furan tahay iskaashi. Soomaaliya waxay u furan tahay maalgashi. Waxaan dunida u sheegaynaa in Soomaaliya maanta aysan ahayn Soomaaliya lagu yaqiin qarnigii labaatanaad. Soomaaliya maanta way ka duwan tahay tii hore."
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay ganacsatada caalamiga ah inaysan seegin fursadaha dahabiga ah ee xilligan diyaar u ah: "Adduunka waxaan leenahay: fursado badan ayaa hore loo seegay. Waxaa jiray fursado badan oo aan laga faa'iidaysan. Laakiin maanta waa waqtigii laga faa'iidaysan lahaa fursadahaas. Soomaaliya waxay u furan tahay adduunka. Qofkii ugu horreeya ayaa fursadda ugu horreysa helaya. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan maalgashadayaasha iyo ganacsatada caalamka inay ka faa'iidaystaan waxa loo yaqaan first mover advantage — faa'iidada uu helo qofka ugu horreeya ee maalgashiga sameeya. Qofkii maanta Soomaaliya yimaada, berri ayuu ka faa'iidaysan doonaa."
Shirweynaha Badaha Soomaaliya, oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya hay'adaha dowladda, saaxiibada caalamiga ah iyo qaybaha gaarka loo leeyahay, si kor loogu qaado amniga badaha, ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta waarta ee dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.




























