| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo dardargelinaysa nidaaminta socdaalka shaqada iyo xakamaynta shirkadaha shaqaaleysiinta
Tallaabadan oo ujeeddadeedu tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, ayaa lagu daah-furay aqoon-is-weydaarsi qaran oo uu magaalada Muqdisho ka furay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyo Ibro.
Soomaaliya oo dardargelinaysa nidaaminta socdaalka shaqada iyo xakamaynta shirkadaha shaqaaleysiinta
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyo Ibro, ayaa Muqdisho ka daah-furay aqoon-is-weydaarsi qaran. / Social Media

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday olole cusub oo ay ku doonayso in ay ku nidaamiso socdaalka la xiriira shaqo-doonka iyo la-socodka shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada shaqo-siinta.

Tallaabadan oo ujeeddadeedu tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, ayaa lagu daah-furay aqoon-is-weydaarsi qaran oo uu magaalada Muqdisho ka furay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Prof. Saalim Caliyo Ibro.

Shirkan oo gacan maaliyadeed iyo mid farsamo ka helaya Hay’adda Shaqada Adduunka ee (ILO) iyo Dowladda Ingiriiska, ayaa ku soo beegmaya xilli ay Soomaaliya isku dayayso in ay nidaamkeeda shaqada waafajiso heerarka caalamiga ah.

Siyaasaddan ayaa si gaar ah diiradda u saaraysa ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee shaqooyinka u aada dalka dibaddiisa, kuwaas oo inta badan wajaha duruufo adag iyo xad-gudubyo, iyo sidoo kale in la sameeyo nidaam hufan oo sharciga waafaqsan kaas oo lagu maareeyo shaqaalaha ajnabiga ah ee ka dhex shaqeeya gudaha waddanka.

Madasha ayaa kulmisay dhinacyada ugu muhiimsan ee arrintan ay khusayso, oo ay ka mid yihiin Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha (SCCI), kuwaas oo matalayay dhinacyada shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha. Xoghayaha Guud ee FESTU, Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa madasha ka caddeeyay baahida loo qabo in si dhab ah looga wada-shaqeeyo hirgelinta xeerarkan si meesha looga saaro dhiig-miirashada.

Dhanka kale, wakiil ku hadlaysay magaca Agaasimaha Xafiiska ILO ee Geeska Afrika, Khumbula Ndaba, ayaa xaqiijisay in hay’addeedu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dhismaha nidaamyo shaqo oo dammaanad qaadaya xuquuqda aasaasiga ah ee shaqaalaha.

Wasiir Saalim Caliyo Ibro oo madasha soo xiray ayaa hoosta ka xarriiqay in la gaaray xilligii laga gudbi lahaa qoraalka oo si dhab ah loo dhaqangelin lahaa Siyaasadda Qaran ee Socdaalka Shaqada iyo Xeer-nidaamiyaha Shirkadaha Shaqo-siinta.

Wuxuu xusay in nidaamintani ay tahay midda keliya ee lagu xaqiijin karo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan fursado shaqo oo sharciyeysan, ammaan ah, isla markaana ka hufan nooc kasta oo xad-gudub ah, taas oo aasaas u ah koboc dhaqaale oo waara.