| Somali
Cudurka Gawracatada oo ku sii fidaya Soomaaliya iyadoo joojinta gargaarkuna saameeyey tallaallada
01:24
Caalamka
Cudurka Gawracatada oo ku sii fidaya Soomaaliya iyadoo joojinta gargaarkuna saameeyey tallaallada
Soomaaliya ayaa la tacaaleysa cudurka Gawracatada oo si xawli ah ugu faafaya dalka, iyadoo isbitaallada ay buux dhaafiyeen bukaanka la il daran cudurkan.
19 Agoosto 2025

Isbitaalka Dawladda ee Demartino ee magaalada Muqdisho, carruur dhuuntu bararsan tahay oo neefsashada ku dhibban ayaa sariiraha jiifa, halka kalkaaliyayaashu ay la tacaalayaan, dhakhaatiirtuna ay la taliyaan waalidiin walaacsan. Waa mid ka mid ah isbitaallo dhowr ah oo ku dhibtoonaya inay ka jawaabaan kororka kiisaska cudurkan.

Cudurkan ayaa dillaacay iyadoo Soomaaliya ay la daalaa dhaceyso dhimista ballaaran ee gargaarka dibedda. Taageerada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sannadkan hoos ugu dhacday $149 milyan, halka ay sannadkii hore ahayd $765 milyan, sida ay muujinayaan tirakoobyada dowladda Mareykanka. Dhimistaan ayaa sababtay xiritaanka boqollaal xarumo caafimaad iyo burburka kooxihii tallaalka guur-guura ee gaari jiray bulshooyinka ku nool miyiga fog.

Iyadoo jawaab ka bixineysa, Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday qorshe ol’ole tallaal qaran ah iyo wacyigelin guud oo bulshada la gaarsiinayo, taas oo ay ku jiraan olole warbaahineed iyo kaashashada ururrada bulshada rayidka ah si loo wajaho xogaha marin habaabinta ah.

Fiidiyowyo dheeraad ah
Madaxweyne Geelle oo qaabilay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Yemen
Madaxweyne Xasan Sheekh oo codkiisa ka dhiibtay degamada Warta-nabadda
Soomaaliya oo ciidamo badan u diyaarisay amniga doorashada
Geerida Taliyaha Ciidanka ee Liibiya iyo shilka diyaaradeed ee Turkiga
Mexico City: Xildhibaanno Baarlamaanka dhexdiisa timaha isku jiiday
Papua New Guinea: Iska horimaad dhex maray qabiillo iyagoo adeegsaday qaanso, fallaaro iyo mindiyo
Rakaabka Air Congo oo ka booday diyaaradda, kaddib markii ay waayeen jaranjarooyin
Wiil Falastiini ah oo si geesinimo leh isaga celiyay nin Israa’iili ah
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo u diyaar garoobaya munaasabada xuska sannadguuradii 82-aad
Turkiga iyo Soomaaliya oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga saxiixayna heshiis cusub