Mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Israa’iil ayaa beegsatay oo gantaal ku dishay ugu yaraan laba carruur ah oo Falastiiniyiin ah oo ahaa barakacayaal, xilli ay biyo u soo dhaaminayeen qoyskooda oo deggan teendho ku taalla Qaza.
Muuqaalka ay drone-tu duubtay ayaa muujinaya carruurta oo sita haan biyo ah iyo tuubooyin, taas oo ciidammada Israa’iil ay u adeegsadeen marmarsiiyo si ay u fuliyaan dilka naxariis darrada ah, iyagoo ku been abuurtay in carruurtu sideen walxaha qarxa.
