Wasiirka Warfaafinta Pakistan Attaullah Tarar ayaa sheegay in Hindiya ay ka heli doonto "jawaab kulul", ka dib markii Hindiya ay gantaalo ku garaacday dhulka ay Pakistan maamusho aroornimadii Arbacada, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof oo uu ku jiro cunug yar, sida ay sheegeen masuuliyiinta Pakistan.
"Inta ay xaaladdu sidan ku socoto, anaguna waan ka jawaabaynaa, sidaan wararka hordhaca ah ku helayno, waxaan soo ridnay laba diyaaradood oo Hindiya leedahay, wayna caddahay in Hindiya ay duullaan tahay, daandaansigana waddo," ayuu Tarar u waramayey telefishinka Ingiriiska ee Sky News.
Gantaalada Hindiya ayaa lagu garaacay goobo ka tirsan Kashmir qaybta ay Pakistan maamusho iyo gobolka Punjab ee bariga dalkaasi. Duqeyn ayaa lala beegsaday masjid ku yaal magaalada Bahawalpur ee Punjab, halkaas oo cunug yar lagu dilay laguna dhaawacay haweeney iyo nin.