26 Nofeembar 2025
Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Amb. Fatxudiin Cali Maxamed (Ospite), ayaa waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Kazakhstan, Mudane Kassym-Jomart Tokayev, isaga oo si rasmi ah u noqonay danjiraha aan degaanka aheyn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha ayaa sidoo kale gaarsiiyay Madaxweynaha Kazakhstan salaan gaar ah oo uga timid Madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka labada dal.
