| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Guddiga Doorashooyinka oo aqbalay go'aanka Maxkamadda Sare ee lagu laalay doorashadii Galmudug
Go'aanka maxkamadda oo soo baxay 24-kii bishan Agoosto 2026 ayaa lagu go'aamiyay in doorashadii Galmudug ka dhacday 30-kii bishii Luulyo ee sanadkan aysan lahayn wax jiritaan sharci ah
Guddiga Doorashooyinka oo aqbalay go'aanka Maxkamadda Sare ee lagu laalay doorashadii Galmudug
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si buuxda u aqbalay go'aankii ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, kaas oo lagu buriyay natiijadii doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyay in isaga oo fulinaya waajibaadkiisa dastuuriga ah uu si buuxda u hoggaansamay xukunka maxkamadda.

Go'aanka maxkamadda oo soo baxay 24-kii bishan Agoosto 2026 ayaa lagu go'aamiyay in doorashadii Galmudug ka dhacday 30-kii bishii Luulyo ee sanadkan aysan lahayn wax jiritaan sharci ah.

Maxkamaddu waxay sheegtay in doorashadaas aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, kaddib markii ay dhagaysatay dhinacyada dacwadda, isla markaana ay qiimaysay doodaha iyo caddeymaha la hor keenay.

Si loo dhowro danta guud iyo joogtaynta adeegga dowladnimo, maxkamadda ayaa xukuntay in hay’adaha hadda ka jira Galmudug ay xilalka sii hayaan si kumeel-gaar ah inta laga helayo maamul cusub.

Guddiga Doorashooyinka ayaa xusay inuu tixgeliyay sarreynta sharciga iyo kaalinta Maxkamadda Sare ee in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor. Guddigu wuxuu cuskaday Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo awood u siinaya Maxkamadda Sare in ay ka garnaqdo, go'aanna kama-dambays ah ka gaarto dacwadaha la xiriira khilaafaadka arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambayn, Guddiga ayaa shaaciyay inuu waqtiga ugu dhow ee macquulka ah dib u qaban doono doorashooyinkaas, isagoo ballan-qaaday inuu dhawaan soo muddeyn doono xilliga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa dib u xaqiijiyay inuu markasta u taagan yahay mabaadi'da hirgelinta doorashooyin xor, xalaal ah, hufan oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed si siman uga wada qayb-galaan.

XIGASHO:TRT SOMALI