| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Sacuudiga oo ku dhawaaqay in la soo riday 26 drone tan iyo subaxnimadii Talaadada
26 drone oo kale ayaa la soo riday laguna burburiyay bariga Sucuudiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga, iyadoo colaadda Bariga Dhexe ay sii socoto.
Sacuudiga oo ku dhawaaqay in la soo riday 26 drone tan iyo subaxnimadii Talaadada
[Sawir hore] Qiiq ka baxaya caasimadda Riyadh ka dib weeraro ay ka geysatay Iiraan / Reuters
8 saacadood ka hor

Sacuudiga ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu qabtay oo burburiyay wadar ahaan 26 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drone) oo soo galay hawada Gobolka Bariga tan iyo aroornimadii hore, iyadoo ay jirto xiisad sii kordheysa oo gobolka ah.

Ku dhawaaqistan ayaa timid qoraallo kala duwan oo ay Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ku daabacday barta X ee shirkadda warbaahinta bulshada ee Mareykanka.

Colaadaha gobolka ayaa sii kordhay tan iyo markii Israa’iil iyo Mareykanku ay 28-kii Febraayo weerarro wadajir ah ku qaadeen Iiraan, kuwaas oo ilaa hadda dilay qiyaastii 1,300 qof, oo ay ku jiraan hoggaamiyihii sare ee markaas ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.

⁠Iiraan ayaa uga jawaabtay weerarro drone iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, Urdun, Ciraaq iyo dalalka Gacanka ee ay ku yaallaan saldhigyada milatari ee Mareykanka, taasoo sababtay khasaare naf iyo mid hantiyeed isla markaana carqaladeysay suuqyada caalamiga ah iyo duulista.

XIGASHO:AA