Madaxweynaha Recep Tayyip Erdogan ayaa ku sheegay dhiggiisa reer Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva, in Turkiga uu u arko dhammaan hindisayaasha lagu doonayo in nabad looga hirgeliyo Qaza kuwo muhiim ah, isagoo bogaadinay go'aanka Brazil ee ah inaanay ka aamusin marka laga hadlayo xasuuqa Israa’iil ee Qaza.
Wadahadal khadka taleefanka ah, Erdogan iyo Lula da Silva ayaa ka wada hadlay arrimo laba geesood ah, kuwo gobol iyo kuwo caalami ah, sida ay sheegtay Waaxda Isgaarsiinta ee Turkiga oo Arbacadii ku qortay barta warbaahinta bulshada ee NSosyal.
Ankara ayaa sii wadi doonta dadaallada lagu soo afjarayo musiibada bani’aadamnimo ee Qaza, lagu xaqiijinayo nabadda, laguna dib u dhisayo deegaanka Falastiiniyiinta, ayuu Erdogan ku daray.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan ka shaqeynta horumarinta iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyo badan.
Israel ayaa dishay in ka badan 71,000 Falastiiniyiin ah, waxayna dhaawacday in ka badan 171,000 kale, iyadoo burburisay ku dhowaad 90 boqolkiiba kaabayaasha rayidka ee Qaza, tan iyo Oktoobar 2023, dagaal xasuuq ah oo ay ku qaaday deegaankaas.
Weerarradii ugu dambeeyay ee Israel ka fulisay Qaza, iyo jebin cad oo kale oo xabbad-joojinta ah, Israel ayaa dishay ugu yaraan 11 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan saddex wariye, haween iyo carruur.
Ciidamada Israel ayaa weli ku sugan aagagga xuduudaha koonfureed iyo bariga Qaza, iyo sidoo kale qaybo waaweyn oo waqooyiga Qaza ah, iyagoo gacanta ku haya in ka badan 50 boqolkiiba dhulka.
Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay 10-kii Oktoobar 2025, weerarrada Israel ayaa sababay dhimashada 483 Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 1,287 kale, iyadoo Israel ay si aad ah u xaddiday gelitaanka cunto, agab hoy iyo gargaar caafimaad oo la geynayo Qaza, halkaas oo ku dhowaad 2.4 milyan oo Falastiiniyiin ah ay ku nool yihiin xaalado aad u adag.






















