Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa wadahadallo khadka telefoonka ah oo kala duwan la yeeshay dhiggiisa Masar, Norway, Pakistan iyo Sacuudi Carabiya, kuwaasoo ku saabsan dagaalka ka socda Iiraan, sida ay Isniintii sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah.
Wadahadallada Hakan Fidan uu la yeeshay dhiggiisa Masar, Badr Abdelatty, dhiggiisa Norway, Espen Barth Eide, iyo dhiggiisa Sucuudii Carabiya, Faisal bin Farhan, ayaa diiradda lagu saaray dadaallada lagu joojinayo dagaalka, sida ay iluhu sheegeen.
Wadahadal kale oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Pakistan Ishaq Dar, ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda ugu dambeysa ee dagaalka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.
Xiisadaha gobolka ayaa sii kordhay tan iyo markii Maraykanka iyo Israa’iil ay 28-kii Febraayo bilaabeen duullaan wadajir ah oo ka dhan ah Iiraan, kaasoo ilaa iyo hadda lagu dilay in ka badan 1,300 oo qof, oo uu ku jiro hoggaamiyihii sare ee xilligaas Ayatollah Cali Khamenei.
Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro drones iyo gantaallo ah oo ay ku beegsatay Israa’iil, Urdun, Ciraaq iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milatari ee Maraykanka, taas oo keentay khasaare nafeed iyo burburka kaabayaasha isla markaana carqaladeysay suuqyada caalamka iyo duulimaadyada.


















