| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyada Ciidul Fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed
Khudbadda Madaxweynaha ayaa diiradda saartay isku xirnaanta qiyamka diinta iyo waajibaadka qaran, isagoo ku baaqay in mabaadi’da Ramadaanka sida naf-huridda, is-caawinta iyo is-xisaabintu ay noqdaan midnimo qaran oo la taaban karo.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyada Ciidul Fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyada Ciidul Fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed / Villa Somalia - Meta
13 saacadood ka hor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed, ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddaba, iyo guud ahaan umadaha Muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Fidriga.

Madaxweynaha oo jeediyay khudbad qaran, ayaa Alle uga baryay inuu ka aqbalo cibaadooyinkii la gudtay, sida soonka, salaadda iyo sadaqada, isla markaana uu Ciidda ka dhigo mid khayr, barako iyo nabad leh.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa diiradda saartay isku xirnaanta qiyamka diinta iyo waajibaadka qaran, isagoo ku baaqay in mabaadi’da Ramadaanka sida naf-huridda, is-caawinta iyo is-xisaabintu ay noqdaan midnimo qaran oo la taaban karo. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada noolaanshaha nabadeed, iskaashiga bulshada, iyo garab istaagga dadka nugul, gaar ahaan xilliyada farxadda sida Ciidda.

Dhanka amniga, Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta uu yahay waajib qaran oo u baahan taageerada dhammaan shacabka, si loo ciribtiro khataraha argagixisada loona sugo amniga iyo dhulalka la xoreeyay. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay ganacsatada, qurba-joogta iyo muwaadiniinta awooda inay taageeraan dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka cimilada iyo xaaladaha dhaqaale.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa dib u xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay dhismaha mustaqbal xasilloon oo barwaaqo leh, isagoo carrabka ku adkeeyay in midnimada gudaha ay muhiim u tahay horumar siyaasadeed iyo dhaqaale, isla markaana uu rajaynayo in Ciidda Fidrigu ay keento wanaag, farxad iyo nabad waarta.

XIGASHO:SONNA