Suuriyaan: Ma nihin dad "Qaxootiya" uun; ee waxaan nahay dad leh riyo iyo mustaqbal
Mid ka tirsan dagaalyahannada ka soo horjeeda dowladda ayaa cagta saaray madaxa taallo uu lahaa madaxweynihii hore ee Suuriya, Xaafid Al-Asad, taasoo lagu jajabiyey barxadda xarunta ammaanka milatariga ee Wasaaradda Difaaca, kuna taalla degmada Kafr Sousa ee Dimishiq, December 9, 2024. / Sawir: AFP / Otros
Suuriyaan: Ma nihin dad "Qaxootiya" uun; ee waxaan nahay dad leh riyo iyo mustaqbal
Burburka xukunka Bashar Al-Assad, wuxuu u yahay waa cusub malaayiin qaxooti ah iyo qoysaskooda. Ma nihin Suuriyaan qaxooti ah uun, ee waxaan nahay dad leh riyo iyo mustaqbal, waa Inas al-Hachem oo ka hadleysa aabaheed, oo ka qaxay magaalada Xalab sanadkii 1969 balse waligiis rejo aan suurto gelin ka qabay inuu dib ugu laabto dalkiisa.
6 Febraayo 2025

W/Q: INAS AL HASHEM

9-kii Diseembar 2024, dagaalyahanno ka tirsan mucaaradka ayaa waxay burburiyeen madaxa taallo dhagax ka samaysan oo uu ku sawirnaa madaxweynihii hore ee Suuriya, Xaafid Al-Asad, taasoo laga dumiyay bannaanka Wasaaradda Gaashaandhigga , Kafr Sousa, Dimishiq. / Sawir: AFP

Xusuustayda Xalab

Weli waan xasuustaa safarkii ugu horreeyay ee aan ku tegay Xalab, Suuriya, 28-kii Juun 2001. Waxaan markaas ahaa ku dhawaad toddobo jir. Fasaxyadii dugsiga ee Spain ayaa bilowday, aabbahay Fathallah-na wuxuu sannad walba lacag u keydsan jiray si aan u tagno Suuriya, sida qoysas badan oo qurbajoog Suuriyaan ah.

Safarku wuu nagu qaalisanaa, maadaama aan qoys ballaaran ahayn. Laakiin weligiis kama daalin inuu nooga sheekeeyo Suuriya: Xalab, gaar ahaan Al-Bab, dadkeeda, kala duwanaanta qowmiyadeed iyo diimeed, taariikhdeeda, iyo cuntooyinkeeda wanaagsan. Wuxuu jacaylkaas nagu beeri jiray xamaasad aad u weyn.

Wuxuu mar walba nagu adkeyn jiray inaan jeclaano Madrid, balse aanan illoobin halka aan ka nimid. Wuxuu ku riyoon jiray inuu dib ugu laabto maalin ay Suuriya xor noqoto. Wuxuu rabay inuu furo isbitaallo, dugsiyo, masaajidyo, iyo xarumo dadka saboolka ah lagu taageero .

Laakiin wuxuu ogaa in riyadiisu ay adkayd inta xukunka Al-Assad jiro. Suuriya waxay sanado badan la silcaysay nidaamka xisbiga Bacas, aabbahay markuu dalka ka cararay, ma ahayn doorasho uu isagu sameeyay, balse wuxuu arkay inaysan jirin waddo kale oo uu ku noolaado.

Dagaalkii Sokeeye

Markii kacdoonku billowday 2011-kii, wuxuu dareemay sidii riyo aan macquul ahayn oo rumoobaysa. Waxaan si aan kala go' lahayn ula soconay wararka, Al Jazeera-na mar walba gurigeenna wuu ka shidnaa.

Bilowgii, wicitaanadii aan la yeelan jirnay ehelkayaga waxay ahaayeen kuwo rejo iyo war cusub lagu wadaago. Laakiin waxay si degdeg ah isu beddeleen liis aan dhammaanayn oo ah musiibooyin, duqeymo, xarig, iyo dad la waayay. Waxaan weynay dad badan.

Adeerkay Mahmoud, oo ahaa takhtar xoolaad haysta lix carruur ah, wuxuu ku dhintay duqeyn xilli uu ka mudaharaadayay Xalab. Laba adeeraday ah, Firas iyo Hasan, waa la la'yahay, xitaa maydkoodii lama helin. Wiilka ay dhashay ina adeertay Amani, Cali Rakan, oo 14 jir ahaa, waxaa si naxariis darro ah u dilay ciidamada Bashar iyo Ruushka. Adeer kale waa la xiray.

Waqtigu wuu socday, rejaduna waxay ahayd mid quus leh . Laakiin aabbahay weligiis ma joojin riyadiisii. Mar kasta oo guul ay mucaaradku gaaraan, wuxuu oran jiray, "Waa tii ugu dambeysay." Ma fileyn in kacdoonku socon doono 14 sano, mana aanan maleyn in aabbahay uusan arki doonin guusha, maadaama uu saddex sano kahor dhintay.

Dhammaadka Xukunka Assad

8-dii Diseembar 2024, wax walba way is beddeleen. Habeenkii Dimishiq la qabsaday, waxaan warka helnay 5:30 subaxnimo kaddib labo saacadood oo hurdo ah. Waan ogaanay in tani ay la micno tahay xaqiiq sheegaysa dhamaadka xukunka Assad.

Waxaan arkayey aniga iyo walaalkay oo Istanbul ku sugan, TV-ga oo saacado badan shidan, wararka si taxaddar leh u dhageysanayna. Wicitaano fiidiyoow ah oo ehelkayaga ah,qaarkood oo ka kala imanaya; Madrid, Qatar, Norway, Suuriya, Jarmalka iyo meelo kale ooah daafaha adduunka oo ay ku kala firirsan yihiin. Guul kasta oo mucaaradku gaaraan waxay ahayd dabaaldeg cusub.

Saqdii dhexe ee 3:30 subaxnimo ayaan xoogaa hurday, laakiin wali waxaan dhageysanayay wararka, oon ku gam’ay goobta, ilaa walaalkay uu ii kiciyay laba saacadood kaddib, isagoo farax la qaylinaya: "Bashar waa dhacay! Bashar waa dhacay!"

Xaaladda waxay ahayd mid lagu diirsado, qiiro darteed murugo iyo farxad isku qasmeen. Waan is habeynnay, waan ooynay, waan qosolnay.

Waxaan dibadda u baxnay Istanbul, xaafadda Fatih, halkaasoo bulsho weyn oo Suuriyaan ah ku nool yihiin. Dadku waxay bixinayeen nacnacyo, gaar ahaan halawet el jibn, macmacaan dhaqameed loo diyaariyo munaasabadaha gaarka ah.

Dad kale waxay qaadiyeen "Hal, hal, hal… Shacabka Suuriya waa mid," iyagoo dabaaldegaya. Inkastoo aanan is aqoon, maalintaas waxaan ahayn hal qoys. Waan isu hambalyeeynay. Kaddib dhib badan, waxaan wadaagna guul isku mid ah iyo riyo isku mid ah.

Ugu dambeyn, Suuriyaanku waxay u qalmeen inay mar kale farxaan. Waxaanu ka baxnay inaan noqono "qaxooti" riyadu tan keliya ma ahan ee waxaana noqonay oo kale dad leh dal, magac, iyo riyo.

Mustaqbalka Cusub

Suuriya, ama sida aan ugu yeerno "Shaam," dhulkii Yasmiinka, waxay mar kale xasuus ahaan ugu jiri doontaa taariikhdeeda, dhaqankeeda, iyo quruxdeeda, halkii laga xasuusan lahaa dagaallada iyo burburka.

Waan ogahay in waxa na sugaya aysan sahlaneyn. Dhisidda dal dagaal kasoo kabanaya marna ma sahlana. Laakiin ugu yaraan, markii ugu horreysay sannado badan kaddib, waxaan leenahay sabab aan u dabaaldegno iyo rejo aan u tiigsanno mustaqbalka.

Waxaan xusuustaa dhammaan kuwa noloshooda u huray kacdoonka, laga soo bilaabo Hamza Al-Khatib, shahiidkii ugu horreeyay ee kacdoonka, oo lagu xasuuqay Daraa, kaddib markii uu derbi ku qoray ereyga "Xorriyad," ilaa Abdul Baset Al-Sarout, xiddigii kubadda cagta ee xulka qaranka Suuriya, codkiisuna uu ka dhex yeeray waddooyinka Xoms, taasoo uu noloshiisa ku waayay.

Markii aan xasuusto aabbahay, waan dhoolla caddeynayaa, waayo waan hubaa in uu isaguna faraxsan yahay. Mahad Ilaah baa leh.

Waan u diyaar garownay safarkeenii xigay. Sababta oo ah, ugu dambeyn, waxaan mar kale booqan karnaa Suuriya iyo Xalab. Annaga dartay, haa, laakiin si gaar ah aabbahay dartii.

XIGASHO: TRT WORLD

Raadi Warar Kale
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo cambaareysay booqashada Gideon Saar ee Somaliland, kuna tilmaantay mid sharci darro ah
Masar oo diidday tallaabada Israa’iil ee sharci-darrada siyaasadeed ah ee lagu aqoonsaday Somaliland
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela
Maduro ayaa amar ku bixiyay abaabul qaran isagoo cambaareeyey “weerarka gumeysi ah" ee Mareykanka
Qaraxyo gilgilay Caracas kaddib digniin uu Trump ka bixiyay duqeymo lagu qaado Venezuela
Israa'iil oo aqoonsashada Somaliland uga bedelatay saldhig & barakicinta Falastiiniyiinta: MW Xasan
Hoggaamiyaha Suudaan Burhaan oo ballanqaaday guul laga gaaro RSF, lana gaari doono dib-u-heshiisiin