Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii saxiixay sharci lagu dhisayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, taas oo ah talaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta ilaalinta xuquuqda iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.
Saxiixa madaxweynaha ee sharcigan ayaa yimid ka dib ansixintii ay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku meel mariyeen xubnaha guddiga. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tallaabadani ay xoojin doonto dadaallada socda ee lagu ilaalinayo xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta dalka oo dhan.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay dhismaha guddigan uu mar kale muujinayo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqul insaanka. Wuxuu ammaanay iskaashiga baarlamaanka iyo xukuumadda, isagoo xusay in wada shaqayntooda ay xaqiijisay in la sameeyo sharci ku salaysan dastuurka islamarkaana waafaqsan qiyamka Islaamka.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka sidii ay u hoggaamisay howlaha sharci iyo farsamo ee lagu dhisay guddiga. Wuxuu muujiyay rajo ku aaddan in xubnaha cusub ee guddiga loo magacaabay ay si guul leh u gudan doonaan waajibaadkooda qaran.
Hadaladiisa, wuxuu carrabka ku adkeeyay in xubnaha guddigu ay qaadeen mas’uuliyad weyn — oo ah ilaalinta xuquuqul insaanka, xoojinta caddaaladda iyo isla xisaabtanka, iyo ka qayb qaadashada horumarinta hay’adaha dowliga ah, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dowladnimada casriga ah.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzumi, ayaa soo dhaweeysay saxiixa Madaxweynaha ee sharciga, iyadoo sheegtay inuu ka tarjumayo horumar muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada dowladda ee lagu ilaalinayo laguna dhiirrigelinayo xuquuqul insaanka dalka oo dhan.


















