Maamulka Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa inuu qiyaastii 2,000 oo wakiilo federaal ah u diro gobolka Minnesota, tallaabadaas oo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo fulinta shuruucda socdaalka ee magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul.
Arrintan ayaa timid kadib markii ay soo ifbaxeen xiisado siyaasadeed oo ka dhashay eedeymo la xiriira musuq-maasuq oo loo jeediyay xarumo xanaanada carruurta ah oo ay maamulaan Soomaalida - eedeymahaas oo markii dambe ay beeniyeen mas'uuliyiinta gobolka.
Ciidamada la daad-gureeyay
Sida ay sheegeen ilo dhanka amniga ah oo la hadlay telefishinka CNN, ciidamada la geynayo Minnesota ayaa isugu jira saraakiil ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Kastamada (ICE) iyo Ilaalada Xuduudaha (Border Patrol). Waxaa sidoo kale la filayaa inuu halkaas gaaro Taliyaha Waaxda Kastamada iyo Ilaalada Xuduudaha ee Mareykanka, Gregory Bovino.
Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa xaqiijisay in kororka joogitaanka ciidamada federaalka ee gobolka uu mar hore billowday.
Kaaliyaha Xoghaya DHS, Tricia McLaughlin, oo la hadashay CNN ayaa tiri: "In kastoo aynaan faahfaahin ka bixinayn qaabka ciidamada u shaqeynayaan sababo la xiriira badqabkooda, haddana DHS waxay xoojisay fulinta sharciga, waxaana horay u xirnay in ka badan 1,000 qof oo isugu jira dilaayaal, kufsadayaal, kuwa carruurta fara-xumeeya iyo xubno ka tirsan burcad hubeysan."
Xiisaddan ayaa cirka isku shareertay dabayaaqadii bishii hore, kadib markii YouTuber muxaafid ah oo lagu magacaabo Nick Shirley uu faafiyay muuqaal (video) uu ku eedeynayo xarumaha xanaanada carruurta ee ay maamulaan Soomaalida inay ku lug leeyihiin musuq-maasuq.
Si kastaba ha ahaatee, mas'uuliyiinta gobolka Minnesota ayaa ganafka ku dhuftay eedeymahaas, iyagoo sheegay in kormeero la sameeyay lagu xaqiijiyay in xarumahaasi ay u shaqeynayaan si waafaqsan sharciga.
Dhacdadan ayaa dib u soo nooleysay hadallada adag ee Madaxweyne Donald Trump uu inta badan ku beegsado bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, taasoo keentay digniino kasoo baxaya kooxaha u dooda xuquuqda madaniga ah oo ka walaacsan takoorka iyo cabsida sii kordheysa.
Jaylani Xuseen, oo ah Agaasimaha Fulinta ee hay’adda CAIR-Minnesota, ayaa dhaliilay qaabka ay dowladdu u wajaheyso arrintan.
"Mar kasta, isla qaabkaas ayaa soo noqnoqda: in la go'doomiyo kiis gaar ah, guud ahaan koox dhan dusha laga saaro, kadibna cabsidaas loo isticmaalo in lagu xalaaleysto takoorka," ayuu yiri Jaylani.

















