Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa bog cusub u furay xiriirkooda milatari, kadib markii ay Isniinti magaalada Dooxa ku kala saxiixdeen heshiis iskaashi difaac oo ballaaran, tallaabadaas oo ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay dardar-gelinayso dhismaha ciidan qaran oo casri ah.
Heshiiskan taariikhiga ah waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, halka dhanka Qatar uu u saxiixay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan Al Thani.
Nuxurka Heshiiska Sida lagu faahfaahiyay warmurtiyeedka, heshiiskan ayaa diiradda saaraya afar tiir oo muhiim u ah amniga qaranka: Tababarrada Ciidamada, Is-dhaafsiga Khibradaha, Horumarinta Awoodda Difaaca, Taageerada qalabeynta iyo farsamada casriga ah iyo Amniga Gobolka.
Bandhigga Dooxa iyo Wafdiga Culus Saxiixa heshiiskan ayaa barbar socday furitaanka Bandhigga iyo Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda (DIMDEX 2026), kaas oo uu si rasmi ah xarigga uga jaray Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thaani.
Wasiir Fiqi ayaa hoggaaminaya wafdi culus oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Badda, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.
Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyay qalabka milatari ee casriga ah iyo teknoolojiyada difaaca badda ee lagu soo bandhigay madasha, taas oo qayb ka ah qorshaha Soomaaliya ee ballaarinta iskaashiga caalamiga ah.
"Ka qaybgalka heerka sare ah iyo heshiiska la saxiixay waxay caddeyn u yihiin sida ay labada dal uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan mustaqbalka amniga iyo difaaca," ayaa lagu yiri warbixinta.

















