| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u digay Israa’iil iyo Netanyahu: Soomaaliya lama kala goyn karo
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aqoonsiga la sheegay in Israa’iil ay siisay Somaliland uusan ahayn mid sharci ah, balse uu yahay qorshe ay Israa’iil ku doonayso dhul ay saldhigyo ka sameysato.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u digay Israa’iil iyo Netanyahu: Soomaaliya lama kala goyn karo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud / User Upload
17 saacadood ka hor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga jawaabayay tallaabooyin uu ku tilmaamay "duullaan qaawan" oo Israa’iil ay kusoo qaadday madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo digniin culus u diray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo damaca Israa’iil ee ku aaddan gobollada Waqooyi (Somaliland), ayaa si adag u sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali doonin faragelin shisheeye oo lagu kala dhantaalayo midnimada dhuleed ee dalka.

"Aqoonsiga Netanyahu waa waxba kama jiraan"

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aqoonsiga la sheegay in Israa’iil ay siisay Somaliland uusan ahayn mid sharci ah, balse uu yahay qorshe ay Israa’iil ku doonayso dhul ay saldhigyo ka sameysato.

"Waxaan markale caddeynayaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal xor ah, mid ah, dhulkiisa aan lagu kala goyn karin warqad ay Israa'iil qortay ama uu saxiixay Netanyahu, oo isagaba eedaysane caalamka ka ah," ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu intaas ku daray in ujeeddada Israa’iil aysan ahayn danta dadka ku nool Waqooyiga Soomaaliya, balse ay tahay dano istiraatiijiyadeed oo ay ku doonayso inay saldhigyo milateri kaga sameysato Geeska Afrika iyo Badda Cas, taas oo uu sheegay inay qalqalgelinayso amniga gobolka.

Baaqa ku socda Somaliland iyo Walaaca Xasuuqa Gaza

Isagoo la hadlayay maamulka iyo shacabka Somaliland, Madaxweynaha ayaa xusuusiyay dhibaatooyinka bini'aadanimo ee Israa'iil ka waddo marinka Gaza, wuxuuna uga digay inay qayb ka noqdaan qorsheyaasha maamulka Netanyahu.

"Haddii dadka Soomaaliyeed ay la seexan waayeen waxa Netanyahu ku sameynayo shacabka Reer Falastiin... ma filayo in shacabka Hargeysa ay aqbalayaan in looga alalaaso dalkeenna taliskaas ku caan baxay xasuuqa shacab masaakiin ah," ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Somaliland inay wada-hadal ku raadiyaan xalka, isagoo tusaale u soo qaatay dalalka sida South Sudan iyo Eritrea oo ku kala go'ay heshiis siyaasadeed, balse aan lagu kala tegin aqoonsi shisheeye oo garab maraya dowladda dhexe (Mother Country).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyay mowqifka dowladaha caalamka ee garab istaagay midnimada Soomaaliya. Waxa uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

"Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dowladda Mareykanka iyo madaxweyneheeda Donald Trump, garab-istaagga ay Soomaaliya ku garab istaageen ilaalinta waxa ay xaqa u leedahay," ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu sheegay inay difaaceen jiritaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa farriin kama dambays ah u diray madaxda Israa’iil, isagoo u sheegay in Soomaaliya aan la qabsan karin, lana kala iibsan karin.

"Ogow, Soomaaliya Soomaali baa leh, iyadaana u tashanaysa," ayuu khudbaddiisa kusoo xiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Muqdisho: Culimada oo hoggaamiyay dibadbax weyn oo looga soo horjeedo 'faragelinta Israa’iil'
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Gorgor oo ka qalinjabiyey TURKSOM
Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo cambaareysay booqashada Gideon Saar ee Somaliland, kuna tilmaantay mid sharci darro ah
Masar oo diidday tallaabada Israa’iil ee sharci-darrada siyaasadeed ah ee lagu aqoonsaday Somaliland
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela
Maduro ayaa amar ku bixiyay abaabul qaran isagoo cambaareeyey “weerarka gumeysi ah" ee Mareykanka