Jacob Frey ayaa loo doortay mar saddexaad inuu noqdo Duqa Magaalada Minneapolis, kaddib markii uu ka guuleystay musharraxii la tartamayay ee Senator Cumar Faatax, oo ah hantiwadaag dimuqraadi ah.
Magaalada Minneapolis waxay isticmaashaa nidaamka codbixinta ee loo yaqaan 'ranked-choice' ee doorashada duqa magaalada. Nidaamkan ayaa u oggolaanaya codbixiyayaasha inay saddex musharrax u kala horreysiiyaan sida ay u kala jecel yihiin.
Inkastoo Frey uu hoggaaminayay wareeggii koowaad ee tirinta codadka ee Talaadadii, haddana wuxuu u baahday in la tiriyo codadka doorashada labaad si uu u xaqiijisto guushiisa.
Kaddib markii la isku daray codadkii doorashada koowaad iyo labaad subaxnimadii Arbacada, Frey wuxuu helay 50%, halka Cumar Faatax uu kaalinta labaad galay isagoo helay 44%.
Doorashadan ayaa noqotay mid taariikhi ah oo ay soo baxeen codbixiyeyaal aad u tiro badan, iyadoo ay codeeyeen 55% ka mid ah 253,000 ee qof ee ka diiwaan gashan magaalada.
Musharrax Cumar Faatax, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa aqbalay natiijada wuxuuna yiri: “Waad mahadsan tihiin, Minneapolis! Inkastoo aysan ahayn natiijadii aan rabnay, waxaan aad ugu mahadcelinayaa qof kasta oo taageeray ololaheena... Waan sii wadi doonaa inaan idinka garab dagaallamo si aan u dhisno magaalada aan u qalanno. Horay ayaan u soconaynaa.”.
Duqa magaalada Jacob Frey ayaa isna dhankiisa soo saaray bayaan uu ku leeyahay: “Waxaa i taabtay taageerada iyo kalsoonida ay dadka Minneapolis igu siiyeen,”.


















