Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa Khamiistii sheegay in dalku 'ka maqnaan doono' ka mid ahaanshaha G20 inta Madaxweyne Donald Trump uu hoggaaminayo madasha, ka dib markii maamulka Trump uu xaqiijiyay inuusan casuumin Koonfur Afrika.
Mareykanka ayaa todobaadkii la soo dhaafay la wareegay madaxtinimada meertada ah ee dalalka ku bohoobay G20, ka dib markii uu ka baaqsaday shirkii uu Madaxweyne Cyril Ramaphosa martigeliyay ee Johannesburg.
“Waqtigan oo kale sannadka dambe, Boqortooyada Ingiriiska ayaa la wareegi doonta madaxtinimada G20. Waxaan awoodi doonnaa inaan si macno leh oo wax ku ool ah uga doodno waxa run ahaantii dan u ah inta kale ee dunida,” ayuu yiri afhayeenka Ramaphosa, Vincent Magwenya.
“Xilligan, waan ka maqnaan doonnaa ka qeyb qaadashada G20 ilaa barnaamijkii caadiga ahaa dib u bilowdo,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha.
Xiriirka u dhexeeya Washington iyo Pretoria ayaa sanadkan gaaray meel hoose kadib markii Trump marar badan ku andacooday wax aan sal iyo raad toona lahayn oo ku saabsan 'tir-tirid qawmiyadeed oo ka dhan ah caddaanka' oo ka socda Koonfur Afrika isla markaana uu cambaareeyay siyaasadaha dalka ee loogu talagalay in lagu xalliyo sinnaan la'aanta jinsiyadeed.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Arbacadii u muuqday inuu xaqiijinayo in Koonfur Afrika aysan ka qayb qaadan doonin wax kulan ama hawlgal G20 ah sannadka dambe.
“Madaxweyne Trump iyo Mareykanka uma fidin doonaan casuumaad dowladda Koonfur Afrika si ay uga qayb qaadato G20 inta aan haysanno madaxtinimada,” ayuu lagu yiri bayaanka.
Koonfur Afrika waa xubin aasaase ah oo G20, kaasoo ah urur ay ku bahoobeen dalalka dhaqaalaha ugu waaweyn adduunka.
Afhayeenka madaxweynaha Magwenya ayaa horay u sheegay in Pretoria aysan u ololeyn doonin dalal kale si ay u hesho taageero, hase yeeshee ay ka heshay farriimo isgarabsi dhowr ka mid ah xubnaha kale ee G20.

















