| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga: Kizilelma oo ku guuleysatay inay F-16 kaga sarmarto duullimaad tijaabo ah
Intii lagu guda jirey tijaabada, Diyaaradda Bayraktar Kizilelma ayaa haleeshay hadaf F-16 ah iyadoo u jirta masaafo dhan 48.2 kiilomitir iyadoo isticmaalaysa raadarka AESA ee MURAD oo ay sameeysay ASELSAN.
Turkiga: Kizilelma oo ku guuleysatay inay F-16 kaga sarmarto duullimaad tijaabo ah
Diyaarad aan duuliye lahayn ee Kizilelma / AA
21 Nofeembar 2025

Diyaaradda dagaalka Turkiga ee aan duuliyaha lahayn ee Kizilelma, ayaa soo hoyisay guul muhiim ah iyadoo bartilmaameedsatay F-16 oo si toos ah u haleeshay hadafka tijaabada ahaa iyadoo la adeegsanayo raadaarka AESA MURAD iyo gantaalka hawada ee oo gudaha lagu sameeyay.

Sida lagu sheegay bayaan ay Khamiistii soo saartay shirkadda weyn ee diyaaradaha aan duuliye lahayn ee Turkiga, Baykar, Bayraktar Kizilelma ay si guul leh uga gudubtay mid ka mid ah marxaladaha muhiimka ah ee cadeyn doona kartideeda goobta dagaalka.

Diyaaradda aan duuliye lahayn oo ka duushay Xarunta Tababarka Duulimaadka iyo Tijaabada AKINCI ee Corlu, Tekirdag, ayaa sameysay duulimaad saacad iyo 45 daqiiqo ah, iyadoo celcelis ahaan ka duushay 4,572 mitir, samaysay duulimaad wadajir ah oo lala sameeyey F-16 isla markaana xaqiijinaysay isku-dhafka raadaarka iyo gantaalka qaranka.

Duulimaadkan ayaa wadarta waqtiga duulimaadyada Bayraktar Kizilelma intii tijaabooyinka socdeen ka dhigaya in ka badan 55 saacadood.

Laba diyaaradood oo F-16 ah oo ka tirsan Ciidamada Cirka ee Turkiga ayaa sidoo kale ka qayb qaatay Tijaabada Duulimaadka Xaddidan ee Gokdogan iyo Tijaabada Waxqabadka Raadarka MURAD AESA ee Bayraktar-Kizilelma.

Tijaabada

Intii lagu guda jiray tijaabada, Bayraktar Kizilelma ayaa ku ogaaday bartilmaameed F-16 ah masaafo dhan 48.2 kiiloomitir iyadoo adeegsanaysa Raadarka MURAD AESA ee ay horumarisay ASELSAN, isla markaana ku xiratay bartilmaameedka.

Kadib waxay ku samaysay bilaabid koronto-dhaliye aan dhab ahayn (simulated electronic launch) iyadoo adeegsanaysa Gokdogan oo ay soo saartay TUBITAK SAGE.

Muuqaalka la matalay, Bayraktar Kizilelma waxay tallaabo muhiim ah ka qaaday dagaalka ilaalinta-hawada iyada oo bartilmaameedka F-16 oo aad u dhaqdhaqaaq badan lagu burburiyey tijaabada muuqaal, halkaasoo lagu guuleystay weerar toos ah oo ku dhacay bartilmaameedka.

Markii ay ku xiratay F-16, Bayraktar Kizilelma si habsami leh ayey u gudbisay xogta bartilmaameedka, goobta iyo xawaaraha ee isla markiiba ka timid raadar-ka MURAD AESA una direysa gantaalka Gokdogan ee ay ku sidday baalkeeda.

Ansaxinta guuleysatay ee isku xirka xogta ee u dhaxaysa Bayraktar Kizilelma iyo gantaalka ayaa ahayd tallaabo muhiim ah oo muujinaysa awoodda diyaaradda dagaalka aan duuliyaha lahayn inay la tacaasho bartilmaameedyada ka sarreeya aragtida indhaha (BVR).

Awoodaha helidda, raadraaca, xiridda iyo gudbinta xogta ee raadaarka qaran ee MURAD AESA, kaasoo la hawlgeliyey isla duulimaadkaas, ayaa sidoo kale lagu tijaabiyey xaalado adag oo la xaqiijiyey inay shaqeynayaan.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Raadi Warar Kale
Turkiga oo Soomaaliya ka bilaabay dhismaha xarunta laga diro dayax-gacmeedyada hawada sare: Wasiir
Erdogan oo mar kale xaqiijiyey taageerada Turkiga ee Soomaaliya iyo heshiisyo tamarta ah oo la galay
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Turkiga si uu wada-hadallo ula yeesho Madaxweyne Erdogan
Turkiga oo sheegay in lix ka tirsan Daacish lagu dilay howlgalka ka hortagga argagixisada ee Yalova
Madaxweyne Erdogan oo Ankara ku qaabilay Madaxweyne Burhan
Madaxweynaha Turkiga oo tacsi u diray RW Liibiya kadib shilkii diyaaradeed ee dhimashada Sababay
Soomaaliya waxaa haatan ka socda dhismaha saldhigga dayax-gacmeedka: Selçuk Bayraktar
Turkiga wuxuu sii wadi doonaa sheegidda xaqiiqda waxa ka socda Qaza: Erdogan
Erdogan: Farriintii Turkiga ee shirkii arrimaha Qaza bishii Sebtembar saameyn ayay ku yeelatay Trump
Turkiga oo cambaareyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xeebta Bondi ee magaalada Sydney
Marinka Afrika ee Dayaxa: Soomaaliya oo u diyaara inay gaarto hawada sare iyadoo kaashanaysa Turkiga
Erdogan oo ammaanay horumarka Suuriya ka dib riditaankii nidaamka Asad
TRT oo ka baxday shirkii EBU iyadoo xubnuhu ay isku khilaafeen ka qaybgalka Israa'iil ee Eurovision
Turkiga oo muujiyay ka-go’naanshihiisa xooggan ee xasilloonida caalamka intii lagu jiray G20: Duran
Turkiga oo dib u bilaabi doona dadaallada nabadda ee Ukraine, Qaza iyo Suudaan: Erdogan
Madaxweynaha Turkiga oo u ambabaxay Koonfur Afrika si uu uga qayb galo Kulanka Madaxda G20
Turkiga oo magacaabay safiirkii ugu horreeyay ee Suuriya kadib 13 sano oo hakad ah
Turkiga oo munaasabad heer qaran ah u sameeyay askartii ku geeriyootay shilka diyaaradeed
Turkiga oo iska fogeeyey eedeymo warbaahinta Hindiya kula xiriirineyso falal argagixiso, New Delhi
20 Askari oo Turki ah oo ku shahiiday shil diyaaradeed oo ka dhacay Georgia: Wasaaradda Difaaca