| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Fidan oo Ankara kula kulmay Madaxa Amniga Ukraine Rustem Umerov
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay madaxa amniga qaranka ee Kiev, xilli ay jirto rajo caalami ah oo sii kordheysa oo ku aaddan in la soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Fidan oo Ankara kula kulmay Madaxa Amniga Ukraine Rustem Umerov
Kulanka dhexmaray Hakan Fidan iyo Rustem Umerov ayaa ka dhacay Ankara maalintii ugu horreysay ee sanadka cusub. / AA / AA
2 Janaayo 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa kulan la yeeshay Rustem Umerov, Xoghayaha Golaha Ammaanka iyo Difaaca Qaranka Ukraine, taas oo noqotay kulankiisii diblomaasiyadeed ee ugu horreeyay sanadka cusub.

Sida lagu sheegay bayaan ay wadaagtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, kulanka ayaa Khamiistii ka dhacay magaalada Ankara.

Faahfaahin lagama bixin waxyaabihii laga wada hadlay, balse kulanka ayaa ku soo aaday xilli ay jirto rajo caalami ah oo isa soo taraysa, taas oo muujinaysa in dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo cusub uu suurto-gelin karo in la soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine ee ku dhow afar sano jirsaday.

Turkiga, oo xiriir shaqo la leh Moscow iyo Kiev labadaba, ayaa tan iyo bilowgii colaadda isu muujisay dhexdhexaadiye muhiim ah, iyadoo dadaal ugu jirta xabbad-joojin, is-weydaarsiga maxaabiista, iyo wadahadallo lagu soo afjarayo dagaalka.

Sannad diblomaasiyadeed oo oo Fidan aad u mashquulsanaa, 2025

Kulanka Umerov wuxuu daba socdaa sanad diblomaasiyadeed oo aad u firfircoon oo uu Wasiir Fidan qaatay.

Sida ay muujinayaan tiro-koobyo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Fidan wuxuu sanadkii 2025 la yeeshay 241 kulan oo uu la qaatay dhiggiisa ka kala socday 89 dal, taas oo muujinaysa doorka firfircoon ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Ankara.

Muuqaal ay wasaaraddu soo bandhigtay ayaa muujiyay in Fidan uu sanadkii hore sameeyay 73 safar oo dibadda ah, kuna tagay 50 dal, kuwaas oo ay ku jireen 22 safar oo uu la socday Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Wuxuu sidoo kale martigeliyay 22 kulan oo dhinacyo badan leh, wuxuuna ka qayb galay 31 shir oo caalami ah, kuwaas oo 10 ka mid ah ay Madaxweyne Erdogan goob joog ka ahaa.

Intaa waxaa dheer, Turkiga ayaa soo dhoweeyay wasiirrada arrimaha dibadda ee 96 dal iyada oo loo marayo booqashooyin laba-geesood ah iyo shirar caalami ah, taas oo ka tarjumaysa ballaarnaanta dadaallada diblomaasiyadeed ee Ankara xilli uu caalamku wajahayo isbeddello waaweyn.

XIGASHO:TRT World
Raadi Warar Kale
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Turkiga si uu wada-hadallo ula yeesho Madaxweyne Erdogan
Turkiga oo sheegay in lix ka tirsan Daacish lagu dilay howlgalka ka hortagga argagixisada ee Yalova
Madaxweyne Erdogan oo Ankara ku qaabilay Madaxweyne Burhan
Madaxweynaha Turkiga oo tacsi u diray RW Liibiya kadib shilkii diyaaradeed ee dhimashada Sababay
Soomaaliya waxaa haatan ka socda dhismaha saldhigga dayax-gacmeedka: Selçuk Bayraktar
Turkiga wuxuu sii wadi doonaa sheegidda xaqiiqda waxa ka socda Qaza: Erdogan
Erdogan: Farriintii Turkiga ee shirkii arrimaha Qaza bishii Sebtembar saameyn ayay ku yeelatay Trump
Turkiga oo cambaareyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xeebta Bondi ee magaalada Sydney
Marinka Afrika ee Dayaxa: Soomaaliya oo u diyaara inay gaarto hawada sare iyadoo kaashanaysa Turkiga
Erdogan oo ammaanay horumarka Suuriya ka dib riditaankii nidaamka Asad
TRT oo ka baxday shirkii EBU iyadoo xubnuhu ay isku khilaafeen ka qaybgalka Israa'iil ee Eurovision
Turkiga oo muujiyay ka-go’naanshihiisa xooggan ee xasilloonida caalamka intii lagu jiray G20: Duran
Turkiga oo dib u bilaabi doona dadaallada nabadda ee Ukraine, Qaza iyo Suudaan: Erdogan
Madaxweynaha Turkiga oo u ambabaxay Koonfur Afrika si uu uga qayb galo Kulanka Madaxda G20
Turkiga: Kizilelma oo ku guuleysatay inay F-16 kaga sarmarto duullimaad tijaabo ah
Turkiga oo magacaabay safiirkii ugu horreeyay ee Suuriya kadib 13 sano oo hakad ah
Turkiga oo munaasabad heer qaran ah u sameeyay askartii ku geeriyootay shilka diyaaradeed
Turkiga oo iska fogeeyey eedeymo warbaahinta Hindiya kula xiriirineyso falal argagixiso, New Delhi
20 Askari oo Turki ah oo ku shahiiday shil diyaaradeed oo ka dhacay Georgia: Wasaaradda Difaaca
Dalal badan oo tacsi u diray Turkiga kadib diyaaraddii militariga ee ku dhacday Georgia