Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Sydney, Australia, xilli lagu guda jiray dabaal-degyada Hanukkah.
War-saxaafadeed qoraal ah oo wasaaraddu soo saartay Axaddii, ayaa lagu muujiyay tacsi loo diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarka iyo guud ahaan shacabka Australia, iyadoo sidoo kale loo rajeeyay caafimaad degdeg ah dadka ku dhaawacmay.
"Turkigu waxa uu mar kale ku celinayaa mowqifkiisa mabda'a ee ka dhanka ah argagixisada dhammaan, nooc kasta iyo meel kasta," ayaa war-saxaafadeedku lagu yiri, iyadoo la carrabka ku adkeeyay sida Ankara uga go’an tahay iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.
Wasaaraddu waxay sidoo kale adkaysay in Turkigu uu garab taagan yahay Australia, isla markaana ay mar kale xaqiijinayso diyaar u ahaanshaheeda wada-shaqeynta la dagaallanka “khataraha caalamiga ah”.
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib toogasho wadareed Axaddii ka dhacday xeebta caanka ah ee Bondi Beach ee magaalada Sydney, taasoo ka mid noqotay weerarradii hubaysnaa ee ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ka dhaca sannadihii u dambeeyay



























