| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Turkiga oo cambaareyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xeebta Bondi ee magaalada Sydney
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, halka 29 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib weerar hubeysan oo ka dhacay xeebta Bondi ee magaalada Sydney.
Turkiga oo cambaareyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xeebta Bondi ee magaalada Sydney
Wasaaraddu waxay dib u xaqiijisay ballanqaadkeeda iskaashiga la dagaalanka argagixisada. / AA
15 Diseembar 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Sydney, Australia, xilli lagu guda jiray dabaal-degyada Hanukkah.

War-saxaafadeed qoraal ah oo wasaaraddu soo saartay Axaddii, ayaa lagu muujiyay tacsi loo diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarka iyo guud ahaan shacabka Australia, iyadoo sidoo kale loo rajeeyay caafimaad degdeg ah dadka ku dhaawacmay.

"Turkigu waxa uu mar kale ku celinayaa mowqifkiisa mabda'a ee ka dhanka ah argagixisada dhammaan, nooc kasta iyo meel kasta," ayaa war-saxaafadeedku lagu yiri, iyadoo la carrabka ku adkeeyay sida Ankara uga go’an tahay iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada.

Wasaaraddu waxay sidoo kale adkaysay in Turkigu uu garab taagan yahay Australia, isla markaana ay mar kale xaqiijinayso diyaar u ahaanshaheeda wada-shaqeynta la dagaallanka “khataraha caalamiga ah”.

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib toogasho wadareed Axaddii ka dhacday xeebta caanka ah ee Bondi Beach ee magaalada Sydney, taasoo ka mid noqotay weerarradii hubaysnaa ee ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ka dhaca sannadihii u dambeeyay

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Turkiga oo cambaareeyay weerar dhimasho sababay oo RSF ku qaadeen dad barakacayaal ah dalka Suudaan
Erdogan: Dhulgariirradii Turkiga ka dhacay 2023-kii ayaa sababay khasaare gaaraya $250 bilyan
Erdogan oo xusay sannad-guurada dhulgariirka sheegayna in Turkigu fuliyey ballanqaadkii dib-u-dhiska
Sida gaari cas oo ka yimid Azerbaijan uu u noqday astaanta midnimada Turkida ee dhulgariirkii 2023
Turkiga oo kordhiyay taageerada militari ee cirka iyo dhulka ee Soomaaliya ee dagaalka argagixisada
MW Erdogan oo dhiggiisa Masar Sisi hadyad ahaan u siiyay gaariga korontada ee Turkiga ee Togg
MW Erdogan iyo Amiir Bin Salmaan oo mar kale xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya
Turkiga oo ballanqaaday taageero dheeri ah oo uu la garab taagan yahay Suudaan
Shan qodob oo ka soo baxay safarkii MW Erdogan ee Boqortooyada Sacuudiga
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo todobaadkan booqasho ku tagaya Sacuudiga iyo Masar
Bariga Dhexe wuxuu u baahan yahay heshiis dhanka amniga ah oo loo dhan yahay: Wasiir Fidan
Ankara: Diblomaasiga ugu sarreeya Iran oo Turkiga u tegaya wadahadallo maalinta Jimcaha
Iskaashiga dhinaca badaha ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo sii xoogeysanaya
Turkiga oo ka taageeray Nigeria dadaallada la dagaallanka argagixisada: Erdogan
Fidan iyo wafdi ka socda Xamaas, oo ka wada hadlay nabadaynta Qaza iyo xaaladda bini'aadannimo
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga: Muqdisho
Turkiga oo gargaar bani’aadamnimo u diray Suuriya xilli ay weerarro ka wadaan YPG
Madaxweynaha Nigeria Tinubu oo booqasho ku tagaya Turkiga si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah
Joogitaanka Ciidamada Badda Turkiga ee Gacanka Cadmeed oo loo kordhiyay hal sano oo kale