Hay’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 800 oo qof oo rayid ah ay ka qaxeen Koonfurt Kordofan, taasoo ah barakac cusub oo ka dhashay weerarrada ay wadaan ciidanka RSF.
Bayaan ay soo saartay IOM ayaa lagu sheegay in shaqaalohoodu ay diiwaangeliyeen 310 qof oo ka barakacay dhowr tuulo oo ka tirsan degmada Abbasiya Tagali sababo la xiriira amni-darrada sii kordheysa. Dadka barakacay ayaa u kala guuray meelo kala duwan oo ku yaal isla degmada Abbasiya, inkastoo aan la cayimin goobaha saxda ah.
IOM waxay sheegtay in barakacaan cusub uu tirada dadka saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka baxay deegaanka ka dhigay 1,455 oo qof.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in ku dhowaad 500 oo qof ay sidoo kale ka qaxeen tuulooyin ku yaal degmada Abu Karshola ee Koonfurta Kordofan, iyagoo gaaray magaalada Al-Rahad ee Waqooyiga Kordofan.
Ugu yaraan 645 qof ayaa Isniintii ka barakacay Tebsa iyo Afnori oo hoos taga degmada Abbasiya Tagali sababo la xiriira xaaladaha amni ee sii xumaanaya.
RSF ayaa hadda gacanta ku haysa dhammaan shanta gobol ee Darfur, halka militariga Suudaan uu haysto inta badan 13-ka gobol ee kale, oo ay ku jirto caasimadda Khartoum.
Darfur ayaa ku fadhida dhul dhan shan meelood meel dhulka Suudaan, balse inta badan dadka reer Sudan, ilaa 50 Milyan, ayaa ku nool gobollada uu militarigu maamulo.
Dagaalka u dhexeeya militariga iyo RSF, oo billowday Abriil 2023, ayaa dilay ugu yaraan 40,000 oo qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan, sida ay sheegtay WHO.


















