Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay guud ahaan magaalada Istanbul si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Falastiin, iyagoo ku baaqay in la joojiyo dagaalka lagu hayo Falastiiniyiinta.
Isu-soo-baxa oo cinwaankiisu ahaa “Ma Aamusayno, Mana Hilmaamayno Falastiin,” ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Isbahaysiga Samafalka iyo Madasha Rabitaanka Qaranka, waxaana ka qeyb galay in ka badan 400 oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ah.
Ka qeybgalayaasha ayaa maalintii Khamiistii ku billaabay ololahan ku tukashada salaadda Subax masaajidda waaweyn ee Istanbul, oo ay ka mid yihiin Masaajidka weyn ee Ayasofya, Sultanahmet, Fatih, Suleymaniye iyo Eminönü Yeni Cami. Kadibna, waxay u dhaqaaqeen dhanka Buundada Galata, iyagoo lulaya calamada Turkiga iyo Falastiin, xiran koofiyadaha astaanta u ah gobanimo doonka falastiin, isla markaana ku dhawaaqaya hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin “Istanbul ilaa Qaza, kun salaan ayaan u diraynaa iska caabbinta” iyo “Xoraynta Falastiin.”
Bilal Erdogan, oo ah Guddoomiyaha Hay’adda İlim Yayma, ayaa la hadlay dadkii isu soo baxay, isagoo carrabka ku adkeeyay isgarab-istaagga sii kordhaya ee muwaadiniinta. “Sannad walba ka qeybgalka wuu sii ballaaranayaa, maanta na waxaan dareemeynaa xoogga qiyamkeenna wadajirka ah,” ayuu yiri, isagoo u duceeyey xorriyadda Falastiiniyiinta iyo Qudus.
Sidoo kale, hoggaamiyeyaal kale oo bulsho iyo diimeed, oo ay ka mid yihiin Abdullah Ozdemir, madaxa laanta xisbiga AK Party ee Istanbul, iyo Abdullah Ceylan, Guddoomiyaha Ururka ONDER İmam Hatipliler, ayaa ka qeyb galay socodka.
Ka qeybgalayaashu waxay siteen boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay ka mid yihiin “Caddaalad u raadinta Falastiin, u hiilinta Dunida ee damiirka,” iyagoo marar badan ku dhawaaqayay erayo cambaareynaya falalka arxan-darrada ah ee Israa'iil. Mutadawiciin ayaa waddada ku qaybinayay shaah, shurbad iyo rooti simit ah.
Boolisku waxay adkeeyeen ammaanka waddooyinka socodka lagu marayay, balse qabanqaabiyeyaashu waxay sheegeen in isu-soo-baxu uu ahaa mid nabad ah oo muujinaya taageerada dadweynaha ee Falastiin.
Qaar badan oo ka mid ah ka qeybgalayaasha ayaa muujiyay rajadooda ah in sannadka 2026 uu keeno caddaalad, nabad iyo dhammaadka dhibaatada Qaza, iyagoo mudaharaadka ku tilmaamay “farriin xooggan oo isgarab-istaag ah” oo ka timid Istanbul kuna wajahan dunida oo dhan.


























