| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Madaxweyne Erdogan oo Ankara ku qaabilay Madaxweyne Burhan
Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu taageero nabadda, xasilloonida iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Suudaan.
Madaxweyne Erdogan oo Ankara ku qaabilay Madaxweyne Burhan
Madaxweynaha Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Suudaan. / AA
26 Diseembar 2025

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa madaxtooyada caasimadda Ankara kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, iyagoo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo dagaalka weli ka socda Suudaan, sida ay sheegtay Agaasinka Isgaarsiinta Turkiga.

Bayaan Khamiistii lagu daabacay barta X ee Agaasinka Isgaarsiinta Turkiga ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xiriirka Turkiga iyo Suudaan, iyo sidoo kale horumarrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Ankara ay doonayso inay sii ballaariso iskaashiga ay la leedahay Suudaan, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, beeraha, warshadaha difaaca iyo macdanta.

Erdogan ayaa ka digay in dagaalka ka socda Suudaan uu sababay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadannimo ee ugu waaweyn dunida, isagoo xusay in falal u dhigma dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada ay ka dhaceen dalka, gaar ahaan gobolka Al-Fasher.

Wuxuu ku baaqay in la qaado “tallaabooyin dhab ah oo go’aan leh” si loo joojiyo dagaalka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga ay taageerto nabadda, xasilloonida iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Suudaan, isagoo intaa ku daray in hadafku yahay in la gaaro xabbad-joojin lana dhiso nabad waarta oo dalka ka hirgasha.

Erdogan ayaa carrabka ku adkeeyay in Turkiga ay sii wadi doonto daboolidda baahiyaha shacabka Suudaan ee wajahaya dhibaato bani’aadannimo, iyada oo loo marayo gargaar bani’aadannimo.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, Wasiirka Gaashaandhigga Yasar Guler, Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha Ibrahim Yumakli, Madaxa Sirdoonka Qaranka Ibrahim Kalin, Agaasimaha Isgaarsiinta Burhanettin Duran, Madaxa Warshadaha Difaaca Haluk Gorgun, iyo La-taliyaha Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Amniga Akif Cagatay Kilic.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Turkiga oo cambaareeyay weerar dhimasho sababay oo RSF ku qaadeen dad barakacayaal ah dalka Suudaan
Erdogan: Dhulgariirradii Turkiga ka dhacay 2023-kii ayaa sababay khasaare gaaraya $250 bilyan
Erdogan oo xusay sannad-guurada dhulgariirka sheegayna in Turkigu fuliyey ballanqaadkii dib-u-dhiska
Sida gaari cas oo ka yimid Azerbaijan uu u noqday astaanta midnimada Turkida ee dhulgariirkii 2023
Turkiga oo kordhiyay taageerada militari ee cirka iyo dhulka ee Soomaaliya ee dagaalka argagixisada
MW Erdogan oo dhiggiisa Masar Sisi hadyad ahaan u siiyay gaariga korontada ee Turkiga ee Togg
MW Erdogan iyo Amiir Bin Salmaan oo mar kale xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya
Turkiga oo ballanqaaday taageero dheeri ah oo uu la garab taagan yahay Suudaan
Shan qodob oo ka soo baxay safarkii MW Erdogan ee Boqortooyada Sacuudiga
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo todobaadkan booqasho ku tagaya Sacuudiga iyo Masar
Bariga Dhexe wuxuu u baahan yahay heshiis dhanka amniga ah oo loo dhan yahay: Wasiir Fidan
Ankara: Diblomaasiga ugu sarreeya Iran oo Turkiga u tegaya wadahadallo maalinta Jimcaha
Iskaashiga dhinaca badaha ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo sii xoogeysanaya
Turkiga oo ka taageeray Nigeria dadaallada la dagaallanka argagixisada: Erdogan
Fidan iyo wafdi ka socda Xamaas, oo ka wada hadlay nabadaynta Qaza iyo xaaladda bini'aadannimo
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga: Muqdisho
Turkiga oo gargaar bani’aadamnimo u diray Suuriya xilli ay weerarro ka wadaan YPG
Madaxweynaha Nigeria Tinubu oo booqasho ku tagaya Turkiga si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah
Joogitaanka Ciidamada Badda Turkiga ee Gacanka Cadmeed oo loo kordhiyay hal sano oo kale